Hargaysa:-Siyaasi Sheegay In Lagu Dili Gaadhay Sababta Buugga Cadhada Badan Dhaliyey Ee Qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Kuna Baaqay In Sharciga La Hor Keeno Wasiir Guri-Barwaaqo

0
Saturday March 24, 2018 - 14:11:49 in by salman abdi
  • Visits: 858
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Siyaasi Sheegay In Lagu Dili Gaadhay Sababta Buugga Cadhada Badan Dhaliyey Ee Qoray Wasiirka Warfaafinta Somaliland Kuna Baaqay In Sharciga La Hor Keeno Wasiir Guri-Barwaaqo

    Siyaasi Xasan Xuseen Badmaax oo ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa sheegay in uu ku talin lahaa in sharciga la hor keeno Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasi Xasan Xuseen Badmaax oo ka mid ah siyaasiyiinta Mucaaridka ah ee Somaliland ayaa sheegay in uu ku talin lahaa in sharciga la hor keeno Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md.

Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Macallin Baddal oo uu sheegay in uu isna fidmo kiciyay maadaama uu midna qoray buugga hadal hayntiisu badan tahay ee hablaha reer Somaliland qaarkood gabood falka ku ah midna kalena uu fidno kiciyey halka uu sidoo kale ku taliyey in gabi ahaanba la soo ururiyo oo la gubo Buugga oo Wasiirku ku ururiyey suugaantaasi la cawday.


Qoraal kooban oo siyaasi Xasan Xuseen Badmaax ka qoray arrinkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay wargeyska Foore ayaa u dhignaa sidan: "Buuga uu qoray wasiirka warfaafinta Md. Guri-barwaaqo ee ku soo qaatay dhawr gabay oo erayo aflagaado ahi ku jiraan isagoo ku jihaysan dhaliilahii iyo gabayadii cayda ahaa ee uu tiriyay Maxamed Cabdulle Xasan.
Gabayada uu tusaalaha u soo qaatay waxa ugu fool xumaa ka lagu caayay hablaha beesha Ciidagale, kuwa kale ku may jihaysnayn hablo ka soo jeeda beelaha Somaliland. Taasina waa gaf uu qoraha buugu u badheedhay. Waxa isweydiin mudan waa maxay ula jeedada uu ka lahaa Guri-barwaaqo?. Qof kasta oo akhrista buuggaaasi waxuu baranayaa gabayga lagu caayay hablaha Ciidagale. Qodobkaa ayuu ku noqday denbiile.
Hadaan eego dhinaca Macalin Bedel waxuu ummada u soo bandhigay gabayga lagu caayay hablaha ciidagale kadib 6 sano markii buugan Hargeysa lagu soo bandhigay. Macalin Bedel waxuu ku cadeeyay mid ka mid ah clips-kii uu kaga hadlayay buuga inay isaga iyo guri-barwaaqo dhex mareen isku dhacyo sahayday shaqooyinkiisii. Halkaa waxa innooga muuqda macalin Bedel colaadoodii inuu la kaashaday hablaha Ciidagale ee buugga lagu caayay. Arrinkana waxa ka dhashay gadood hablahii la caayay iyo beesha ay ka soo jeedaanba, waxa abuurmay isku dhac beesha dhexdeeda ah. Talaabadaa kicinta ah ayuu Macalin Bedel-na ku noqday denbiile.
Arrinkaa cayda hablaha Ciidagale waxuu ku fiday dibad iyo gudaba, dabcan hablaha Ciidagale inay kacaan xaq ayay u leeyihiin maadaama sharaftoodii iyo karaamadoodiiba uu guri-barwaaqo ku baabiiyay buuggiisa.
Gadood-kaasi anigana waxa iga soo gaadhay weeraro wadareed igu keenay nabaro iyo karaamadaydii oo la dilay. Qoraal iyo hadalo been abuura ayaa keenay beesha Ciidagale oo aan ka soo jeedaa inay iga hor timaado. Been abuur kaasina waxuu keenay in Layla beegsado dil baadil ah. Sidaa ayaan aniguna ku noqday Dhibane aan garanayn waxaan ku mutaystay falalka dilka ah ee laygula kacay.
Haddaba Sharci Hadduu Jiro Waxaan Soo Jeedinayaa:
1. Wasiir Guri-barwaaqo in sharciga la hor geeyo, caddeeyana sababta uu Gabayga lagu caayay buugga ugu qoray.
2. Buuga in laga mamnuuco dalkan jamhuuriyada Somaliland.
3. In Buuga laga soo ururiyo meel kasta oo uu dalka yaalo, kadibna La gubo.
4. Macallin Bedel oo abuuray gadood dadweyne waa in sharciga isna La hor keenaa.
5. Keyse Koosaar oo qoray qoraalka been abuurka ah faafiyayna, Dilna nala beegsaday in sharciga la hor keeno caddeeyana waxa Ku kelifay inuu abuuro isku dhac beesha dhexdeeda ah.
Allaa Mahad Leh. Xasan Xuseen