Gudaha: Wefti Culus Oo Ka Socda Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika Oo Maanta Safar Ku Imanaya Somaliland

0
Saturday March 24, 2018 - 14:26:35 in by salman abdi
  • Visits: 968
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha: Wefti Culus Oo Ka Socda Xidhiidhka Kubadda Cagta Afrika Oo Maanta Safar Ku Imanaya Somaliland

    Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubada cagta qaarada Afrika ee Cuf, ahna gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Ghana iyo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubada cagta qaarada Afrika ee Cuf, ahna gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Ghana iyo

 wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta imanaya caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland ee Hargeysa.

Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland ayaa shaaca ka qaaday imaansha Weftiga guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubadda cagta ee qaaradda Africa, weftigaasi oo ay xubno ka yihiin rag caan ka ah dunida iyo qaarada Afrika ba oo ciyaartooy ahaan jiray.

Agaasimaha guud ee wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland Maxamed Xuseen Dhabeeye oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaarada ayaa arrintan ka hadlay waxaanu yidhi "Waxa dalka Somaliland imanaya wefti aad u muhiim ah oo uu hogaaminayo guddoomiye ku xigeenka xidhiidhka kubada qaarada Afrika ee Cuf isla markaana ah gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta ee dalka Ghana , iyada oo ay la socdaan rag kale oo dunida iyo qaarada Afrikaba caan ka ah oo ciyaartooyo ahaan jiray, nimankaas waxa soo jiitay dalkan Somaliland.”

Agaasimaha wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Somaliland waxa kale oo uu sheegay in magaalada Hargeysa lagu qaban doono ciyaar kubada cagta ah oo dhex mari doonta kooxaha Duulista iyo Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga, taas oo maalinta Axada ah ka dhici doonta garoonka Hargeysa Stadium.

Agaasime Dhabeeye ayaa intaas raaciyey "Markaa haddii aynu Somaliland nahay waa in aynu fadhiga ka kacnaa oo fadhi ku dirirka iska daynaa oo maalintaas aynu soo camirnaa garoonka Hargeysa Stadium”

Gudoomiyaha xidhiidhka kubada cagta somaliland Maxamed Aamiin Cabdi Cilmi oo isaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa iftiimiyay ujeedada socdaalka weftigan, waxaanu yidhi "Maalinta Sabtida ah waxa safar inagu soo gaadhi doona gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xidhiidhka kubada cagta ee qaarada Afrika ee Cuf, kaas oo Somaliland u imanaya inuu xog raadis ka helo ciyaaraha dalka.”

Sidoo kale gudoomiyeyaasha kooxaha Duulista iyo Wasaarada xanaanada xoolaha Cumar Cabdi Aadan iyo Shiine Karaaciin oo iyaguna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in kooxahoodu ay ciyaar wanaagsan u soo bandhigi doonaan weftiga ka socda xidhiidhka qaarada Afrika.