Muqdisho: Shaqaale Madaxtooyadda Somaliland Laga Caydhiyay Oo Shaqooyin Ka Helay Madaxtooyadda Dalka Soomaaliya

0
Tuesday April 17, 2018 - 12:14:43 in by salman abdi
  • Visits: 1480
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho: Shaqaale Madaxtooyadda Somaliland Laga Caydhiyay Oo Shaqooyin Ka Helay Madaxtooyadda Dalka Soomaaliya

    Waxa maalmihii u dambeeyay aad loogu hadal hayay Baraha Bulshada Somaliland qaar ka mid ah shaqaalihii Boqol qof kor u dhaafayay oo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa maalmihii u dambeeyay aad loogu hadal hayay Baraha Bulshada Somaliland qaar ka mid ah shaqaalihii Boqol qof kor u dhaafayay oo

Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya shaqo u doontay kuwaasi oo soo dhawayn iyo gacan saar ka helay Qaar ka mid ah masuuliyiinta Xukuumadda Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ee ka soo jeeda Deegaanada Somaliland.

Image may contain: Sacad A Bille, smiling, suit and text

Mid ka mid ah Shaqaalahaasi hore looga eryay Madaxtooyadda Somaliland oo la sheegay inuu shaqo ka helay Madaxtooyadda Dalka aynu jaarka nahay ee Soomaaliya oo lagu magacaabo Sacad Axmed Bile islamarkaana gacan yare u ahaan jiray Wasiirkii hore ee Madaxtooyadda Somaliland Maxamuud Xaashi iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil ayaa bartiisa Facebookga Soo dhigay qoraalo uu ku bogaadinayo shaqo uu sheegay inuu ka helay Dawlada Xamar,Waxaana qoraaladan oo uu la wadaagay Saaxiibadiisa Facebookga ugu jiray ay u dhignaayeen sidan"Xeebta liido,Nabad Iyo Nolol,Dayaxa haddii lawaayo xidigaha lagu gudaa iyo waxaan Dalkaygi ka waayey ayaan meel kale ka helay”. Iyo kalmado kale oo uu ku muujinayo sida uu ugu faraxsan yahay Joogitaankiisa Muqdisho isagoo dhinaca kalena ka dhigaya in shaqadii laga caydhiyay Madaxtoooyadda Somaliland uu badelkeedii ka helay Xamar.


Suldaan Carafaat oo ka mid ah dhalinayaradii dooda ka dhiibtay Qoraalka uu wiilkaasi soo dhigay ayaa waxa uu ku yidhi sidan "Walaalo ma markii madaxtooyadii Somaliland laguu diiday in la iska dhex joog joogo,ayaad xamar aaday, malaga yaabaa in aad eedo tegitaanka Xamar,bal aan eegno Maantana Siday Noqon Allaa Ogee, Hadii maxamud Xaashi lawaayo ma Muqdishaa laga degaa”. Warar kale ayaa sheegaya in qaar kale oo ka mid ah Shaqaalihii laga caydhiyay Madaxtooyadda Somaliland ay cadhadii ku tageen Xamar.

Sidoo kale Wariyayaal Madaxtooyadda Somaliland ka shaqayn jiray ayaa lagu sheegay inay Soomaaliya u shaqo tageen kadib markii ay gacan saar ka heleen masuuliyiin maamulkaasi kujira oo Somaliland ka soo jeeda.

 

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) oo ka soo jeeda Deegaamada Somaliland ayaa sida la sheegay gacan ka gaystay u hawl fududayn ah inay wiilkaasi iyo kuwo kale ay Xamar u shaqo tagaan,waxaanay xaaladani ku soo aadaysaa wakhti uu aad u sii xumaanayo Xidhiidhkii ka dhexeeyay Somaliland iyo Soomaaliya islamarkaana uu xiitaa istaagay Isku socodka labada dal.
Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa markii ay Xilka la wareegtay waxa ay Madaxtooyada ka caydhisay shaqaale badan oo Xukuumaddii hore si ku meel gaadh ah ugu shaqaynayay kuwaasi oo tiradoodu kor u dhaafaysay Boqol shaqaale ah oo ka tirsanaa Hawl wadeenada Madaxtooyada Somaliland.




Xigasho Foore