Toddobaadka Soo Socda La Liga Salaan Sharafeed Ayaa Laga Sameyn Karaa

0
Monday April 23, 2018 - 18:06:45 in by salman abdi
  • Visits: 820
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Toddobaadka Soo Socda La Liga Salaan Sharafeed Ayaa Laga Sameyn Karaa

    Toddobaadka Soo Socda La Liga Salaan Sharafeed Ayaa Laga Sameyn Karaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Toddobaadka Soo Socda La Liga Salaan Sharafeed Ayaa Laga Sameyn Karaa

Real Madrid ma ahayn mid gebi ahaanba ol’olahan difaacaneysay horyaalka La Liga Barcelona ayaa ku guuleysan karta kahor kulanka ay la ciyaareyso Deportivo La Coruna axadda.

Los Cules waxa ay u baahan yihiin laba natiijo in ay u dhacaan sida ay rabaan, walow hadda ay iskaba caddahay oo ay tahay uun goorma balse ahayn haddii in ay Catalans ku guuleystaan horyaalka xilli ciyaareedkan.


Deportivo waxa ay Blaugrana ku soo dhaweyn doonaan Estadio Riazor hebeenka axadda, xilli Altletico Madrid iyo Los Blancos ay ciyaarayaan habeen kahor.

Real Madrid waxa ay qaabili doonaan Leganes habeenka sabtida, haddii ay ku fashilmaan in ay badiyaan, qeyb ka mid ah horyaalka waxa uu aadi doonaa Barcelona.

Los Colchoneros ayaa sidoo kale kaalin ku yeelan karta toddobaadka dambe sida umuuraha u dhacayaan marka ay Deportivo Alaves ay galabta axadda la ciyaaraan, haddii dhinaca Diego Simeone ku guuldarreystaan in ay badiyaan loolanla La Liga xisaab ahaan wuu soo xirmi doonaa.


Haddii labadaas xaaladood dhacaan, kooxda Valverde waxa ay gali doonaan garoonka Galicia iyaga oo og in ay yihiin HORYAAL halka Depor ay iyaduna salaam sharafeed u sameyn karto.