
Arsene Wenger Oo Farriin DAREEN CULUS Xambaarsan U Diray Mourinho Kahor Kulanka Berri
Arsene Wenger waxa uu ka codsaday xifaaliyihiisa muddada dheer ee Jose Mourinho in uusan KALIFIN xilli uu isu diyaarinayo kulanka Arsenal iyo Manchester United oo noqonaya kiisii ugu dambeeyey ee labada kooxood axadda.
Wenger waxa uu xaqiijiyey jimcihii hore in uu soo gunaanadi doono 22kii sano ee uu leylinayey Gunners, muddadaas oo ay dagaal gacan iyo afba isla galeen Jose Mourinho.
Mourinho waxa uu sheegay in uu ka shallaayey dagaalkii ay wada galeen Wenger xilli uu hadda codsaday tababaraha reer France in uu u ogolaado nabad in uu ku baxo.
Mar wax laga weydiiyey kulankiisa ugu dambeeyey ee Murinho, Wenger waxa uu yiri: "Ha’igu riixina dagaal kii ugu dambeeyey waxaan rabaa nabad in aan ku tago.
"Mourinho waa tababare wanaagsan. Macsalaama ayaan ku dhihi doonaa Mourinho iyo qof walba.”
Arsene Wenger Oo Farriin DAREEN CULUS Xambaarsan U Diray Mourinho Kahor Kulanka Berri
Arsene Wenger Oo Farriin DAREEN CULUS Xambaarsan U Diray Mourinho Kahor Kulanka Berri