Hargaysa:-Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegay In Ciidan Goostay

0
Tuesday May 01, 2018 - 14:54:24 in by salman abdi
  • Visits: 1067
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Taliska Ciidanka Qaranka Somaliland Oo Ka Hadlay Warar Sheegay In Ciidan Goostay

    Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oomeel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oomeel kale tegay ama u goostay, wararka arrinkaa la xidhiidhana yihiin kuwo la been-abuuray.



Qoraal ka soo baxay xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sidan:


 

 

"Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland waxuu caddaynayaa inaanu jirin Ciidan ka tirsanaa oo meel kale tegay ama u goostay, isla markaana wararka lagu faafiyey warbaahinta qaarkood ee sheegaya in Ciidamo ka tirsan Somaliland u goosteen maamul-goboleedka Puntland yihiin kuwo la been-abuuray.


Waxaan caddaynayaa in warka sheegaya ciidan ka goostayCiidanka Qaranka Somaliland, keliya xaqiiqda ku jirtaa tahay nin lagu magacaabo Cabdillahi Cabdi Cali (Gacan), balse, isagana sannad horteed dembiyo uu galay awgii looga saaray Ciidanka Qaranka, oo laftiisa iyo cid-walbana ogtahay, laakiin, aanu jirin askari kaloo ciidanka Qaranka Somaliland ah oo meel kale tegay.


Waxaan ummada Somaliland u xaqiijinaynaa in dhamaan xubnaha Ciidanka Qaranka Somaliland ku sugan yihiin rugahoodii, iyagoo gudanaya waajibaadkii ka saaran difaaca sharafta dalkooda JSL.” Ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay taliska ciidanka qaranka Somaliland.


Qoraalkan ka soo baxay Xarunta Taliska Guud ee Ciidanka Somaliland ayaa meesha ka saaraya warar warbaahinta qaarkood ku sheegayeen in Ciidanka ka tirsan Somaliland u goosteen Puntland.