Hargeisa:-Xukuumada Oo La Filaayo Inay Xukuumadu Cafis Ku Sii Deyso Boqor Buurmadow+Arimaha Soo Kordhay.

0
Wednesday May 02, 2018 - 09:13:36 in by salman abdi
  • Visits: 777
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukuumada Oo La Filaayo Inay Xukuumadu Cafis Ku Sii Deyso Boqor Buurmadow+Arimaha Soo Kordhay.

    Hargeisa:-Xukuumada Oo La Filaayo Inay Xukuumadu Cafis Ku Sii Deyso Boqor Buurmadow+Arimaha Soo Kordhay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumada Oo La Filaayo Inay Xukuumadu Cafis Ku Sii Deyso Boqor Buurmadow+Arimaha Soo Kordhay.

Toddobaad ayaa kasoo Wareegay kadib

markii 26/4/2018ka Khamiistii hore Maxakamada Gobolka Hargeysa shan Sano oo Xadhig ah ku Xukuntey Boqor Cismaan Aw Maxamuud(Buur-madaw),oo lagu eedeeyay qoddobo ay Xukuumaddu ugu yeedhay falal Qaran Dumisnimo ah, sida lagu Xusey eedihii Xukunkiisa Maxakmadu ku qaadey Dacwada loo haystey.


 

 


Gudoomiyaha Hay,adda Xuquuqal Insaanka ee(Human RightCenter),Guuleed Dafac ayaa, ka deyriyey Xaalada Boqor Cusmaan(Buur-madaw),oo hadda ku Xidhan Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa,Waxaana la keenay Cusbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa Isniintii shaley abaara 9:00 Subaxnimo halkaas oo Dhakhaatiirtu ku cabireen dhiigiisa maadaama xanuunkiisa Xabsiga lagu xidhiidhiyey Dhiig-kar iyadoo hadalheynta Xadhigiisa kor u qaadey tan iyo intii ka dambeysay Warbixinta Ha,ayda Xuquuqal insaanku ka soo saartey xaalada Caafimaad ee Boqorka.


Inkastoo,Xadhiga Boqor Cusmaan Buurmadaw siweyn looga dareemayey Todobaadkii u dambeeyay Gudaha Somaliland, gaar ahaana Deegaanada uu kasoo jeedo ee Sanaag iyo Togdheer,oo ay ka dhaceen Mudaharaadyo lagaga soo horjeedo Xadhigiisa haddana, waxa soo baxayey maalmihii u dambeeyay in isabadel weyni ku yimid qodobka lagu eedeeyay,ee ay Xukuumaddu u sibir saartey Xadhigiisa kaas oo la xidhiidhiyey munaasibad uu kaga qeyb galey Puntland laakiin hadda dad badan oo taageerayaashiisa ahi aaminsan yihiin in ujeedada xadhigiisu ka duwaneyd arintaasi,islamarkaana, ay daarneyd arimo la Xidhiidha isbadel laga filayo Xisbiga Kulmiye iyo Wareejintiisa oo Boqor Cusmaan meelo badan oo Xaflado ah kaga Hadley in Madaxweynaha Looga fadhiyo in uu soo wareejiyo Xisbiga sidii uu isaga ugu Wareejiyay Madaxweynihii ka horeeyay Axmed Siilaanyo, arintan oo uu Magaalada Burco kaga dhawaaqey Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(ciro) Waxaaney tibaaxeen wararka Xadhigiisa la xidhiidhaa in kulano badan ay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xubno Xukuumadiisa iyo Xisbiga katirsani ka yeesheen labadii maalmood ee u dambeeyay,taas oo arimo badan la isula qaatey in Xoriyadiisa mar labaad soo celiyo.


Geesta kalena,Waxa maalmihii u dambeeyay dibadda usoo baxey xogo ku sahabsan qabashadiisii hore,oo laga taxaabey Huteelka Maansoor ee Magaalada Hargeysa oo uu ku sugnaa wakhtigaas oo ay la joogeen Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Gaafaadhi iyo Gudoomiyaha cusub ee Garabka Haweenka Xisbiga Kulmiye Daleys Shire Faarax, oo ay isku ardaa kasoo wada jeedaan laakiin aan jeclaysan sida hawshaasi u dhacdey,Sidoo kalena Xildhibaan Ibraahim Caraale(Ruush),oo katirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada horena u damiintey Boqorka ayaa si cadho leh uga deyriyay Xukunkiisii dambe oo uu ku tilmaamey mid sharci daro ah.