Caalamka:-Madaxii Shirkadda Whatsapp Jan Koum Oo Shaqada Iska Casilaya

0
Wednesday May 02, 2018 - 09:13:36 in by salman abdi
  • Visits: 487
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Madaxii Shirkadda Whatsapp Jan Koum Oo Shaqada Iska Casilaya

    Caalamka:-Madaxii Shirkadda Whatsapp Jan Koum Oo Shaqada Iska Casilaya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Madaxii Shirkadda Whatsapp Jan Koum Oo Shaqada Iska Casilaya

Madaxa shirkadda WhatsApp, Jan Koum, ayaa lagu wada inuu iska casilo barta caanka ah ee fariimaha lagu wadaago oo uu wax ka aasaasay.


Fariin uu ku baahiyey barta Facebook-ga ayuu ku yiri”waxaan doonaya inaan wakhti ka qaato oo aan sameeyo waxyaaba kale ee aan jeclahay oo ka baxsan tiknolojiyadda”

Hase yeeshe warbixin uu soo saaray wargeyska Washington Post Isniintii ayuu ku sheegay in Mr Koum ay isku dhaceen shirkadda ay wadaaga yihiin ee Facebook arrimo la xiriira istarajiyadda khaaska u ah WhatsApp.

Waxa uu Mr Koum ka soo horjeestay iskudayo uu Facebook ku doonayey inuu ku isticmaalo xogaha khaaska ah ee WhasApp si uu daciifiyo qaabka ay shirkadda WhatsApp kuilaaliso xogaha macaamiisheeda.

Bayaankiisa ayuu ku sheegay "waxa laga jooga muddo toban sano ah tan iyo markii aan aniga iyo Brian aasaasnay WhatsApp, wuxuuna ahaa iskuday cajiib ah balse waxaa la jooga wakhtigii aan ka tagi lahaa shirkadda”

Stanford alumnus Brian iyo Mr Koum oo ahaa soo galooti ka soo jeeda Ukraine ayaa 2009 kii aasaasay shirkadda WhatsApp ka hor inta aysan ka iibinin shirkadda Facebook 2014 kii.

Waxay si wadajir ah ugu dadaalen inay ilaaliyaan madaxbanaanida WhatsApp, ayna ka ilaaliyaan in shirkadda Facebook wax isbedel ah ku sameyso xogta gaarka u ah ee WhatsApp.

Mr Acton ayaa shirkadda ka tagay bishii Nofembar kuna biiray qaarka ka mid ah madaxdii horay u dhaleecayn jiray shirkadda Facebook. Bishii Maarso ayaa wuxuu soo dhaweeyey ololaha looga soo horjeeday barta Facebook ka dib markii ay soo baxday faddeexadii Cambridge Analytica.

Facebook ayaa shaaca ka qaaday in la isticmaalay xogta 87 milyan oo qof si khaldanna loogu adeegsaday arrimo la xiriira siyaasad.

Labadan nin ayaa sidoo kale ka soo horjeestay dadaalada ay shirkadda Facebook ku doonayso inay ganacsi ahaan ka dhigto WhaysApp iyadoo aan jirin wax xayaysiin ah oo ay sameyso.