Hargeisa:-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeedayay Geeridii Ku Timid Siyaasi Cali Sanyare.

0
Wednesday May 02, 2018 - 10:15:02 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeedayay Geeridii Ku Timid Siyaasi Cali Sanyare.

    Hargeisa:-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeedayay Geeridii Ku Timid Siyaasi Cali Sanyare.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Oo Shacabka Somaliland Ka Tacsiyadeedayay Geeridii Ku Timid Siyaasi Cali Sanyare.
Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI sida oo kale na ah Murashaxa Madaxweyne ee Xisbigaasi Dr. Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) oo ku hadlaaya afkiisa, ka hoggaanada, guddiyada fulinta, garabada haweenka iyo dhallinyarta iyo weli ba taageerayaasha Xisbigaasi ee dalka gudahiisa iyo dibaddiisa, ayaa tacsi tiiraanyo leh u diraaya guud ahaan shacabka Somaliland isaga oo uga tacsiyadeynaaya geeridii naxdinta lahayd ee ku timi Alle ha u naxariistee Marxuum/ Siyaasi Cali Ibraahim Maxamed(Cali Sanyare) oo maanta 02/05/2018 ku geeriyoodey dalka Switzerland.
 
Guddoomiye Cirro wuxu sida oo kale uu tacsi taas la mid ah gaadhsiinayaa ehelkii, qaraabaddii iyo asxaabtii uu ka baxay Marxuumku isaga oo ku tilmaamay in


uu ka mid ahaa ragga ugu qaalisan ee qaranka Somaliland sida weyn uga soo qeyb qaatay dhismahiisa kana mid ahaa mas'uuliyiinta ugu sar-sarreeya Xisbiga WADDANI, sida oo kale na lagu xasuusan doono abuuridda mashaariicahii horumarineed dalka oo wakhtigii uu ahaa wasiirka Qoraheynta Xukuumaddii Ra'yaale uu seeska u dhigay mashaariico tiro badan oo horumarineed oo illaa hada dalka ka socda. Waxa kale oo uu ku sifeeyey in uu ahaa adoon wanaagsan oo Alle ka cabsi badan kana shaqeeya danta guud ah iyo taageeridda dadka danyartaa.
 
Dr.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro) wuxu ugu dambeyntii uu Alle uga baryeyaa Marxuumka in uu godka u nuuriyo kana waraabiyo naxariistiisii Jannatul Fardowsa. Ehelkii, Qaraabaddii iyo Asxaabtii uu ka baxayna Eebe samir iyo iimaan ka siiyo. Aamiin Aamiin.
 
INNAA-LILLAAHI WA-INNA ILEYHI RAAJICUUN
 
Waaxda Warfaafinta Xisbiga WADDANI
Hargeysa, Sonaliland