Gudaha:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta.

0
Wednesday May 02, 2018 - 12:04:28 in by salman abdi
  • Visits: 431
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta.

    Gudaha:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Wasiir Sacad Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland Iyo Imaaraadka Carabta.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay xidhiidhka Imaaraadka Carabta iyo Somaliland iyo Hay’addaha kala duwan ee dalka ka hawl gala iyo waxa ka jira in qaarkood ay xafiisyadoodii u wareejiyeen Muqdisho.


Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay arrimo kala duwan. Ugu horayn isagoo ka jawaabaya su’aal ahayd inay jiraan hay’ado xafiisyadoodii u raray Muqdisho oo ah Soomaaliya, wuxuu yidhi "Hawsha Hay’addaha waxa ku shaqo leh waa Wasaaradda Qorsheynta oo aad la xidhiidhi kartaan, laakiin ilaa hadda sida aan og yahay wax Hay’addo ah oo dalka


ka guraya ma jiraan, Hay’adduhuna dalkeena sabab ay uga guuraan ma jirto, oo xidhiidh fiican baynu leenahay, ogalaanshaheena ayey ku joogaan, ee ogalaashaha Somaliya kuma joogaan, inagana Somaliland baa la ina yidhaahda, laakiin Somaliya la inama yidhaahdo, Somaliya kama taliso dalkeena ee inaga ayaa ka talina dalkeena, xidhiidh aad u fiicana weynu leenahay Hay’addaha dalkeena ka hawl-gala iyo Wadamada kale ee Beesha Caalamkaba, mar kastana waxaanu diyaar u nahay in xidhiidhka aynu la leenahay Beesha Caalamka wanaajino”.

 

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay Basaboorka Somaliland ee la sheegay in Imaraadku aqbalay iyo Weftigii Imaraadka ee dalka yimid ayaa yidhi "Markii horeba waxyaabaha aanu ka wada hadalnay Imaraadka ayuu ku jiray aqbalaada Basaboorkeena iyo in dalkooda lagu tago, weftigii dhawaan dalka yimid ee ka socday Imaaradkuna waa kuwii la kulmay Madaxweynaha, Berberana waa kuwii tagay, markaas waxyaabo badan oo labada dalba u dan ah ayeynu ka wada hadalnay, arinka Basaboorkuna qayb ayuu ka ahaa, ta kale qasab maaha in marka ay Wefti dalka yimaadan inay warbaahinta ka hadlaan, ee weftigan yimid iyo waxyaabaha aynu ka wada hadalnay iyo qodobadii aynu ku heshiinay waa tii Xukuumaddu sheegtay.”

Wasiir Sacad mar aanu wax ka weydiinay inay Imaraadka kala hadleen iyo in kale hadalkii Wasiirul Dawlaha ee Imaraadka ayaa ku jawaabay "Marar badan baa arinkan laga hadlay, siyaabo kala duwana waa looga hadlay siyaabo badan oo kala duwana waa loo turjumay hadalka Wasiirka, balse hadalkaasi wax raad ah muu yeelan, runtiina Imaraadku wuu ogyahay in Somaliya ama Madaxweynihii hore ee Somaliya aanu qayb ka ahayn heshiiska Dekadda Berbera, ee heshiiska waxa wada galay waa Somaliland iyo DP World, Xasan Sheekh wuu ka hadlay oo wuu beeniyey in aanu isagu qayb ka ahayn heshiiskan, Raysal-wasaarihii hore ee Somaliyana isnaw uu beeniyey, markaas Imaraadka xidhiidh fiican oo dhinac kasta ah ayeynu leenahay, haba yaraate heshiis ay Somaliya wakiil inooga ahaydna ma jirin, ee inaga ayaa heshiisyadeena galnay”.

Mar aanu wax ka weydiinay wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya iyo waxa uga qorsheysan ayaa ku jawaabay "Inaga Somaliland ahaan mar walba waxaanu jecel nahay in Wadamada jaarkeena iyo cid kastaba inaynu si fiican ula dhaqano,Somaliya ilaa hadda maanu joojin wada hadaladii, ee waanu hakinay, haddii ay wax ka bedeli waayaan siday hadda wax u wadaana danba waanu u joojin, maxa yeelay jawiga hadda ay ku socoto Somaliya maaha jawi aanu ku wada hadli karno”

Wasiir Sacad Cali Shire mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka Somaliland iyo Dimuqraadiyada ayaa yidhi "Inaga oo ah dal curdin ah, oo wali aqoonsi caalamiya helin ayaanu haddana buuxinay shuruud kasta oo dal la aqoonsan yahay uu leeyahay, waliba Dimuqraadiyada dalkeena ka hirgashay, nidaamka Axsaabta badan, Doorashooyinka kala duwan ee dalkeena ka dhacay waxay tusaale u yihiin horumarkaynu gaadhnay iyo dadaalka aynu ku jirno, insha allaahna Ictiraafkuna uu inoogu xigi doonaa, halkaynu maanta marayna waxa dhab ah in dalal badan oo horumaray in aanay gaadhin”