"Waxaan Ahay Aabaha Cad Ee Essein," -Mourinho Oo Xusay Laacibkii Hore Ee Chelsea Isaga oo Ku Sifeeyey Dhaqammo Kaa Yaabin Doona Iyo Sababta Uu Ugu Arko In Uu Yahay Wiilkiisa

0
Wednesday May 02, 2018 - 17:34:17 in by salman abdi
  • Visits: 837
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Waxaan Ahay Aabaha Cad Ee Essein," -Mourinho Oo Xusay Laacibkii Hore Ee Chelsea Isaga oo Ku Sifeeyey Dhaqammo Kaa Yaabin Doona Iyo Sababta Uu Ugu Arko In Uu Yahay Wiilkiisa

    "Waxaan Ahay Aabaha Cad Ee Essein," -Mourinho Oo Xusay Laacibkii Hore Ee Chelsea Isaga oo Ku Sifeeyey Dhaqammo Kaa Yaabin Doona Iyo Sababta Uu Ugu Arko In Uu Yahay Wiilkiisa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan Ahay Aabaha Cad Ee Essein," -Mourinho Oo Xusay Laacibkii Hore Ee Chelsea Isaga oo Ku Sifeeyey Dhaqammo Kaa Yaabin Doona Iyo Sababta Uu Ugu Arko In Uu Yahay Wiilkiisa

Jose Mourinho waxa uu isku tilmaamay in uu yahay ‘Aabaha cad’ ee Michael Essien xilli uu xusayey kaalintii uu laacibka ka geystay waayihiisa tababarenio intii uu joogay Chelsea iyo Real Madrid.

Tababaraha Manchester United waxa uu ku tilmaamay Essein wiilkiisa iyada oo uu laacibka khadka dhexe ugu yeeray Mourinho Aabe markii ay wada jogeen Chelsea.

Mourinho waxa uu Lyon kaga soo qaatay Essein aduun dhan £25million isaga oo xilligaa tababare u ahaa Chelsea sanadkii 2205, sidoo kale waxa uu amaah ahaan ugu keenay Real Madeid 2012kii.

‘Ma ahayn ciyaaryahankeyga, waa wiilkeyga – waxaan ahay Aabihiisa cad,’ ayuu Mourinho ku sheegay wareysi uu siiyey Telefishinka laga leeyahay Malaysia ee Astro Arena.

‘Waxa uu ahaa kaliya midka ii geeyey gurigiisa, gurigiisa dhabta ah. Meesha uu ku dhashay, jidadkii uu ku ciyaari jiray kubadda markii uu ciyaalka ahaa.


‘Waxa uu iga dhigay in aan jeclaado Ghana, Accra oo ah halka uu ku noolaa, maxaa yeelay waxaan aad u fahmay maskaxiyaddiisa.’

Essien waxaa hareeyey dhaawacyo jilibka ah gabigabaddii waayihiisa laakiin ka go’naanshihiisii in uu xanuunka ku ciyaaro ayuu Mourinho ilaawin.

‘Waan fahansanahay sababta uu ciyaaryahan ahaan wax walba diyaar ula ahaa, waxa uu diyaar u ahaa in uu u dhinto saaxiibadiis, kooxda iyo tababaraha, sababta uu diyaarka ugu ahaa sidaas in uu igu ciyaari markii aan joogay Real Madrid isaga oo jilibkiisu uusan ahayn jilib.

‘Waxa uu ahaa jilib bur buray laakiin shaqsiyaddaas, rabitaankaas iyo maskaxiyaddaas uu la dhibtooday, mar walba wuu la dhibtoonayey, laakiin mar walba dhoolla caddeyn ayaa la socotay. Michael aad ayuu u dhoolla caddeeya.”