
Hargeysa "Dhibaatada Danyarta Waanu Ognahay, Waxyar Oo Samir Ah Aynu Ku Darno" Agaasimaha Baanka Dhexe Somaliand
Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in ay ku guddo jiraan sidii dalka looga saari lahaa arrimaha sicir bararka ee ku baahay ganacsiga. waxa uu shacabka somaliland xasuusiyay in ay wax yar u samraan isla markaana ay dhawraan
talaabooyinka ay qaadi doonaan.
sidaasna waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo saaray, kaas oo uu nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta afkashacabka, waxaana qoraalkaasi uu u dhignaa sidan
"Waxaanu ku jirnaa qiimeyn talaabooyinkii hore loo qaaday dhinaca sarifka, wixii qabsoomay iyo
midhahooda, kuwa aan qabsoomin iyo sababta, dib u eegid, qiimeyn
iyo toosin.
Dabcan waxa jira qaar cusub oo aanu aad uga baaraan degi doono. Waxaanu u mahadnaqaynaa baananka,
xawaadlaha, sarifyaasha oo dhammaan noo muujiyey wada shaqayn wacan iyo kalsooni. Dhibta danyarta
waanu ognay iyo damqashadooda. Wax yar oo samir ah aan ku darno.
Dal jaceylka waxa kow ka ah inaad ilaaliso qawaaniintiisa iyo inaad sharafto astaamihiisa.kuwa astaamaha
ugu mudan waxa ka mid ah lacagtiisa. Sharafteeda iyo karaamadeedu waa adoo isticmaala oo qiimeeya.”
Hargeysa "Dhibaatada Danyarta Waanu Ognahay, Waxyar Oo Samir Ah Aynu Ku Darno" Agaasimaha Baanka Dhexe Somaliand
Agaasimaha Baanka Dhexe ee Somaliland Axmed Xasan Carwo ayaa sheegay in ay ku guddo jiraan sidii dalka looga saari lahaa arrimaha sicir bararka ee ku baahay ganacsiga.