Caalamka:Wadan Ka Mida Dunida Oo Badalay Wakhtiga Sacaada Iyo Sababta Ku Kaliftay.

0
Saturday May 05, 2018 - 08:15:33 in by salman abdi
  • Visits: 545
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:Wadan Ka Mida Dunida Oo Badalay Wakhtiga Sacaada Iyo Sababta Ku Kaliftay.

    Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay iney wakhtigeeda saacadda beddeshay si ay iisula sinto wakhtiga Koonfurta Kuuriya kaddib marki uu toddobaadki hore wadahadal dhex maray labada dhinac.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbaahinta dowladda Kuuriyada Waqooyi ayaa sheegtay iney wakhtigeeda saacadda beddeshay si ay iisula sinto wakhtiga Koonfurta Kuuriya kaddib marki uu toddobaadki hore wadahadal dhex maray labada dhinac.

Sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee KCNA oo soo xigatay saraakiil sare waxay wakhtigeeda saacadda ay dib u dhigtay 30 daqiiqa maalinta sabtida ah

Dib u dhigidda saacadda waa "ficilki ugu horreeyey oo lagu tallaabsado" si loo dardar geliyo "geedi socodka Kooriyada Waqooyi iyo Kooriyada Koonfureed sidi loo mideyn lahaa.

Dhanka kale Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump wuxuu sheegay inuu maalin uu kulan la yeelanayo hoggaamiyaha Kooriyada Waqooyi, Kim Jong-Un.

"waxaan ognahay inaan maalin meel ku kulmeyno, mar dhowna shaaca ayaan ka qaadi doonnaa", Madaxweyne Trump wuxuu hadalkaasi u sheegay wariyeyaal ku sugnaa bannanka aqalka cad ee mareykanka maalinti jimcaha isaga oo intaa ku daray "inuu rajeeynayo iney halkaasi ka soo baxaan arrimo aad iyo aad u fiican".

Kulanki taariikhiga ahaa ee hoggaamiyeyaasha labada KoreaLahaanshaha sawirkaEPA
Image captionKulanki taariikhiga ahaa ee hoggaamiyeyaasha labada Korea

Kuuriyada Waqooyiga wakhtigeey ku sii soconeysaa?

Ilaa iyo hadda waa wakhtiga piongyang , oo 30 daqiiqo ka dambeeya wakhtiga Kuuriyada Koonfureed iyo Japan.

30 daqiiqo oo dheeri ah ayaa waxay soo saartay 2015, iyada oo uga soo horjeedda "Japaanka kuwa sharka leh ee wax ihaaneeyo" sababta oo ah waxay wakhtigooda u beddeleen si ay Tokyo iisu waafajiyaan xilliga uu biyo gacmeedka Kuuriya uu gacanta ugu jiray Jabbaan.

Kuuriyada Koonfureed oo (9 saacadood ka dambeysay wakhtiga GMT) waxay ka sii fogaadeen wakhtiga jabbaan sanadka marka uu ahaa 1950-yadi waxayna halki hore ay ku soo celiyeen 1960-yadi.

Laba saacadood ayaa wakhtiga tusa Kuuriyada waqooyi iyo Kuuriyada Koonfureed oo ku yaalla Panmunjom iskuna garab yaallo, magaaladaasina waxa loo yaqaanna aagga militariga ka caaggan waana halka ay dhawaan labada hoggaamiye ku kulmeen.

Wadahadallada kaddib madaxweynaha Kuuriyada Koonfureed wuxuu soo diray farriin uu ku sheegay Mr. Kim inuu aad ugu jiriricooda marka uu arkay labadaasi saacadood.

Madaxweynaha Mareykanka Donald TrumpLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMadaxweynaha Mareykanka Donald Trump

Trump iyo Kim goormey kulmayaan?

Madaxweyne Trump faahfaahin dheeraad ah kama bixinin halka iyo wakhti ay kulmayaan kulan lagu wado inuu la yeesho Mr.Kim.

Waxaana la rajeeynayaa kulanka inuu dhici doona bisha May dhexdeeda ama horraanta bisha June.

Madaxweyne Trump ayaa horay u muujiyey inuu door bidayo kulanku inuu ka dhaco agga ciidamada ka caaggan ee u dhaxeeya labada Kuuriya waxaase jirta iney dhici karto iney ku kulmaan Singapore.

Kulanku waxaa marka hore lagu tala bixiyey si ku meel gaar ahna looga heshiiyey in uu dhaco bisha March, kaddib marki ay ergada ka socotay Kuuriyada Koonfureed ay Mr Kim kula kulmeen magaalada piongyang, aqalka cadna uu kaga dambeeyey.

Hadafka ugu muhiimsan uu mareykanku ka leeyahay arrintani ayaa waxay tahay inuu xaqiijiyo Kuuriyada Waqooyi oo hub Niyukilar ah uu ka dhigo.

Wadahadlka ayaa la aaminsan yahay inuu dhici doono seddex qof oo mareykan ah oo ay Kooriyada Waqooyi gacanta ku hayso oo la sii daayo inta ay labada hoggaamiye fool ka fool u kulmin.

Madaxweyne Trump Jimcihi wuxuu yiri "Kuuriyada waqooyi waxaan la yeelan doonnaa wadahadal dhab ah waxyaaba badan ayaa durbadiba dhacay si gaar ahna ula xiriirta dadka ay naga haystaaan".

Wuxuu ka gaabsaday inuu wax ka yidhahdo inuu heshiisku ka mid yahay ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kuuriyada Koonfureed in gebi ahaanba laga saaro iyo inkale.

Yaa kale oo beddelay saacadda wakhtigooda?

2007, hoggaamiyihi hore ee Venizuela Hugo Chavez ayaa 30 daqiiqo saacadda waddankiisa dib u soo celiyey, isaga oo sheegay iney arrintaa dad badan u suura gelineyso iney iftiinka maalinka ay ku kacaan.

Si kastaba ha ahaatee, dad badan ayaa aaminsan inuu arrintani ula dan lahaa inuu kaga fogaado wakhtiga ay isticmaalaan cadawgiisa xifaaltamka ka dhaxeeyo ee Mareykanka.

2016, ninki beddelay Chavez, Nicolas Maduro ayaa wuxuu u soo noqday saacadda wakhtigi hore ee ahaa ee (4 saac ka dambeysay wakhtiga GMT).

2011, Jasiiradaha Samoa iyo Tokelau ayaa waxay ka boodeen maalin dhan waxayna u boodeen dhinaca galbeed si ay xulafa ula noqdaan saaxibbada ganacsiga ee ay leeyihiin.

Ma jiraan qayba leh wakhti aan caadi ahayn?

Gobolka Newfoundland ee dalkaasi Canada saacad badhkeed ayuu ka duwan yahay gobollada kale ee ku yaallo Atlantika.

India waxay 30 daqiiqo ka dambeysaa Pakistan, 15 daqiiqana dalka Nepal.

Galbeedka Australia iyo Koonfurta Australisa waxaa u dhaxeeya 90 daqiiqo oo farqi xagga wakhtiga ah dhammaan xuduudaha ay wadaaganna waa ay ka siman yihiin.

Si kastaba ha ahaatee, magaalada fog ee xudduudda ku taalla ee Eucla iyo dhulka ku gadaaman oo ay ku nool yihiin dhowr boqol oo qof, waxay leeyihiin oo ay ku dhaqmaan wakhti iyaga u gaar ah, 45 daqiiqana waxay ka dambeeyaan galbeedka Australia, 45 daqiiqana koonfurta Australia.