Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Saamiga Dekeda Ee Ay Wada Gaadheen Itoobiya Iyo Djibouti.

0
Saturday May 05, 2018 - 13:42:30 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Saamiga Dekeda Ee Ay Wada Gaadheen Itoobiya Iyo Djibouti.

    Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Saamiga Dekeda Ee Ay Wada Gaadheen Itoobiya Iyo Djibouti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Heshiiska Saamiga Dekeda Ee Ay Wada Gaadheen Itoobiya Iyo Djibouti.

Xukuumadda Somaliland ayaa markii ugu horeeysay ka hadashay aragtideeda ku waajahan saamiga ay dawladda Jabuuti ka siisay dekaddeeda Dawladda Itoobiya, xilli ay Somaliland Dekadda Berbera ka siisay Saami Itoobiya, xukuumada ayaa tilmaamtay in heshiiskan khuseeyso laba dal, balse Somaliland waajibkeedu yahay sidii ay u horumarin lahayd Dekaddeeda, si ay ula tartanto Dekadda Badda Cas.


Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo u waramayWargeyska Geeska Afrikaayaa sidoo kale ka hadlay qadiyada Somaliland, kala duwanasha Somaliland iyo Somaliya, waxaanu Beesha Caalamka ugu baaqay inay Somaliland aqoonsadaan, oo aanay daba wadin Somaliya, waxaanu ugu horeyn uu yidhi "Inagu Caalamka oo dhan ayeynu aqoonsi ka doonaynaa, Ingiriis oo qudha



aqoonsi ka dooni mayno, aqoonsigeenu maaha wax ku xidhan taariikhdeenii mustacmarka, ee waa wax aynu xaq u leenahay, oo Caalamka xaq ugu leenahay, waayo shuruudihii oo dhan baynu buuxinay, marka dhinac laga eegana Somaliya si sharci iskumayno darsanba, oo midawgeenii markii hore sifo sharciya muu ahaynba warqad aynu kala saxeexanay ma jirinba, markaas Aqoonsigeenu waa waxaynu xaq u leenahay ee maaha wax aynu cid gaar ah ka baryeyno”.

 

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey kala duwanaasha iyo farqiga u dhexeeya Somaliland iyo Somaliya ayaa yidhi "Somaliya waa wadan kale, wax badana weynu ka horaynaa,Nabad baynu kaga horaynaa, deganaasho ayeynu kaga horaynaa, horumar baynu kaga horaynaa, nidaamka Dawladnimada ayeynu kaga horaynaa, Dimuqraadiyada ayeynu kaga horaynaa, Doorashooyinka ayeynu kaga horaynaa, lix Doorasho ayeynu soo galnay oo wada xor iyo xalaal ah, Somaliya mid kaliya may galin,hal doorasho oo xor iyo xalaal ah wali may galin, Barlamaan Shacabkeenu doortay ayeynu leenahay, Somaliya ma leh, Golayaal Deegaan oo Shacabkeenu soo doorteen ayeynu leenahay iyagu ma laha, Madaxweyne ay Shacabku soo doorteen ayeynu leenahay inagu iyagu ma leh, markaas si kasta weynu uga horeeynaa”.

Wasiir Sacad mar uu ka hadlaayey sheegada Somaliya ee Somaliland waxa uu yidhi "Waa khalad cad in la inagu qabsado Hawadeena, Dhulkeena iyo Baddeena, waana gardaro, Caalamkuna maaha inuu na daba wado Somaliya, ee waa inuu qiraa jiritaankayaga, maxa yeelay horumarka aynu dhinac kasta ka gaadhaynay Beesha Caalamku wey ka dharagsan yihiin, heerka ay Somaliya maraysana wey ka war qabaan,ee aqoonsiga Somaliland cid walba waa u dan ee waa in Caalamka Somaliland aqoonsadaa”.

Mar uu ka hadlaayey sida uu arko saamiga ay Dawladda Jabuuti Dekaddeeda ka siisay Itoobiya ayaa yidhi "Arinkaasi waa arin ka dhexeeya labadaas dal ee Jabuuti iyo Itoobiya, arin inaga ina khuseeya maaha, inagu teena ayeynu ka shaqaysanaynaa, Itoobiya Iyo Jabuutina waa laba dal oo aynu jaar nahay, oo xidhiidh fiican baa inaga dhexeeya, marka inaga xilkeenu waa sidii aynu u hagaajin lahayn Dekaddaheena, Waddooyinkeena iyo arimaheena, iyo sidii aynu ula tartami Lahayn Dekaddaha Kale Ee Ku Yaala Badda Cas”