Afqanistaan:Kudhowaad 20 qof oo ku dhimatay Qarax weyn oo ka Dhacay masaajid ku yaalla Dalkaas

0
Monday May 07, 2018 - 08:08:31 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Afqanistaan:Kudhowaad 20 qof oo ku dhimatay Qarax weyn oo ka Dhacay masaajid ku yaalla Dalkaas

    Saraakiisha dalkaasi Afqaanistaan ayaa sheegay ugu yaraan 17 qof iney ku dhinteen 37 kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaallo gobolka Khost.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha dalkaasi Afqaanistaan ayaa sheegay ugu yaraan 17 qof iney ku dhinteen 37 kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay masaajid ku yaallo gobolka Khost.


Masaajidka xilliga uu qaraxa ka dhacayay ayaa waxay ahayd xilli ay dadka isugu yimaadeen tukashada salaadda, sida oo kalana waxaa masaajidka loo isticmaalayey diiwaangelinta cod bixiyeyaasha.

Qaar ka mid ah dadka qaraxaasi ku dhaawacmaya ayay xaaladdoodu culustahay.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid qaraxaasi sheegatay haddana waxaa la sheegayaa inuu qaraxyo noocaasi uu horay u sameyn jiray ururka isku magacaabay IS.

Wararka dheerdka oo qaraxaasi ku saabsan ayaa waxay sheegayaan qaraxa inuu ka dhashay walxaha qarxa oo masaajidka gudahiisa la dhigay.

Tani iyo inta ay billaabatay goobaha lagu diiwaan gelinayo dadka codkooda ka dhiibanaya doorashada bisha October dalka ka dhaceyso waxaa dhacay weerarro dhowr ah oo lagu beegsanaya dadka codbixinta iisu diiwaan gelinayo.

Weerarka Kabul ka dhacay waxaa mas'uuliyaddiisa sheegatay IS, inkasta oo uu ururka Taalibaanna uu ka digay shacabku iney ka qayb qaadanin howlaha doorashada.

Warar kale ah oo Afqaanistaan ka imanayo ayaa waxay sheegayaan inuu booliska gobolka Baghlan uu sheegay 7 engineer oo u dhalatay dalka India iyo darwalkooda oo u dhashay Afqanistaan oo ka shaqeynay xaruun konranto iney subaxnimada axadda ay afduubteen dableey ka tirsan ururka Talibaan.

Afhayeen Booliska u hadlay oo la yidhahdo Zabihullah Shuja ayaa BBC-da u sheegay iney raggaasi la afduubay ay u socdeen xaruun koronto oo ay dowladdu leedahay oo ku taalllo Pul-e Khomri oo ah caasimadda gobolka waqooyi.



Xigasho BBC Somali