17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 23/02/1997 (Shir Beeleedkii u Dambeeyey) Qaybtii 4aad

0
Friday February 28, 2014 - 02:07:53 in by Super Admin
  • Visits: 1216
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    17 Guuradii ka soo Wareegtey Doorashaii 2aad ee Madaxweyne Maxamed Ibraahim Cigaal 23/02/1997 (Shir Beeleedkii u Dambeeyey) Qaybtii 4aad

    Hadaba qodobka 11aad ee axddiga Qaranku wuxuu sheegayaa in Golaha wakiilada oo keli.......

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hadaba qodobka 11aad ee axddiga Qaranku wuxuu sheegayaa in Golaha wakiilada oo keli....... Hadaba qodobka 11aad ee axddiga Qaranku wuxuu sheegayaa in Golaha wakiilada oo keli

Shir-Gudoonka oo Dacwada Lagu soo Oogey.

 

Sida aynu hore u soo sheegnay Waxaa hadalkii Cabdilaahi Oomaar Cawaale ka Mid ahaa

 

"Waxaanu Qabsanay Garyaqaan Nagala taliya arrimahaas wuxuu noo sheegay in aan dalku Dastuur lahayn oo Lagu dhaqmaayo Axdi Qarameedkii Boorame Sidaas darteed aan shuruudahan qaarkood ku jirin axdi-qarameedka

 

Hadaba Murashixiiinta waa garyaqaan u ahaa Rooble Maykal Maryama, waxaan ku soo oogey shir gudoonka dacwad ka dhan ah 11/12/1996, waxuu dacwadaas u gudbiyey maxakamadda sare ee Somaliland waxay qornayd sidan:

 

Ku: Maxakamadda Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

 

Dcawoode: Murashixiinta U taaagan Jagada Madaxweynaha JSL.

 

Dacwaysane: Shir-gudoonka Shirweynaha 3aad ee Beelaha Somaliland

 

Sida aad ogtihiin shirweynuhu wuxuu ansixiyey qodobo ka hor imanaya Axdi-Qarameedka Jamhuuriyadda Somaliland ee lagu ansixiyey Shirweynihii 2aad

ee Boorame , Waxaan Maxakamadda ka Codsanayaa Saddex arimood oo kala ah

 

 

1. In Maxakamadda sare Baabi’iso Go’aamada Shirgudoonku soo saaray ee Axdi-Qarameedka ka hor imanaya

 

2. In maxakamaddu joojiso Shirka inta la waafajinayo xeerka dalka u yaala ee ah Axdi-Qarameedka

 

3. In shir-gudoonka ku xad gudbey axdi qarameedka la bedelo lana magacaabo shir-gudoon kale.

 

Qodobada go’aankaasi waxa kale oo ay ka hor imanayaan qodobka 6aad iyo 8aad ee axdiga qaranka,labadaas qodob oo qoraya in jamhuuriyadda Somaliland Qaadatay Heshiiskii Jamciyadda Quruumaha ka Dhexaysa ay soo saartay 16/05/1984, xeerkaas oo muujinaya in xuquuqda aadamaha la dhawro, xeer gaar ah oo loo sameeyo dad gaar ah oo lagu dhaafinayo xuquuqdooda Doorasho,shaqo,ama xuquuqdooda mid kasta ha ahaatee in ay xaaraan tahay,

Hadaba qodobka 11aad ee axddiga Qaranku wuxuu sheegayaa in Golaha wakiilada oo keli ah ay leeyihiin awoodda sharci dejin ee aanay cid kale la wadaagin, sidaas darteed sharci aan soo marin Golha wakiilada oo aanay ansixin sharci ma noqon karo, shir Gudoonku Maaha Guurti mana aha Gole wakiilo ee Waa ergo Shir-beeleed sidaas dated ba bedeli karaan qodobada ku Qeexan Axdi-Qarameedka,

 

Muxuu ka yidhi Gudoomiyaha Maxakamadda Sare Dacwadaas ...................

 

La Soco Qaybta Dambe………

 

Yusuf Mohamed Arish

 

E-mail: - yuusufarts@hotmail.com

 

Burao, Somaliland