Fadliga Uu Leeyahay Soonka Iyo Axkaanta Soonka. W/Q: Ugaas Cumar Jaamac Iidle -

0
Friday May 18, 2018 - 13:12:50 in by salman abdi
  • Visits: 1354
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Fadliga Uu Leeyahay Soonka Iyo Axkaanta Soonka. W/Q: Ugaas Cumar Jaamac Iidle -

    Waa bishii la soo dejiyay qur'aanka,shayaadiintuna la xirxiro,waana bil lagu tababarto daacada Rabbi,Allah wuxuu aqbalaa ducada qofka sooman,gaar ahaan xilliga afurka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa bishii la soo dejiyay qur'aanka,shayaadiintuna la xirxiro,waana bil lagu tababarto daacada Rabbi,Allah wuxuu aqbalaa ducada qofka sooman,gaar ahaan xilliga afurka.

Qofka sooman oo Allah dartii u sooman wuxuu yahay qof faraxsan oo bashaash ah,waa bil ay dadku is faraan wanaagga xumahana ay iska reebaan,sida aan kor ku soo xusnayna Allah wuxuu dadka sooman ugu talogalay albaab ka mid ah albaabada jannada,waxaana galaya oo keliya dadka Allah dartii u soomay.

Fadliga soonka waxaa ka mid ah in soonka uu u shafeecayo maalinta qiyaame qofka sooman,musnadka imaam Axmed iyo mustadraka Xaakim waxaa ku xusan xadiis uu soo weriyay Cabdullaahi bin Camrin Al-Caas Allaha ka raallinoqdee in nebi Muxammad sallallaahu caleyhi wasallama uu yiri:soonka iyo qur’aanka waxay addoonka u shafeecayaan maalinta qiyaame,sheekh Albaani wuxuu xadiiskan ku saxiixay saxiixul jaamic.

 

Qofka sooman hadduu riyoodo oo ay shahwo ka timaado soonkiisu wuu jiraa,waayo sida ay culumadu sheegeen ma uusan u qasdin.

Qofka sooman hadduu mantago,macnaha uu hunqaaco oo uusan isagu iska keenin,soonkiisu waa u jiraa.

 

Qofkii dhiig ka yimaada sida dhiig ka soo baxa sanka ama dhaawac uga yimaada qasadkiisuna ahayn in uu dhiiggaasi iska keeno,soonkiisu waa u jiraa.

Qofkii cuna ama cabba isagoo illowsan soonkiisu wuu wadanaya.

Qofkii safar ku jiro waxaa loo fasaxay in uu afuro.

Waa bil la isku ixsaan falo,la isku naxariisto,lays kaalmeeyo,lays cafiyo,laysugu soo dhowaado,dadka da’da ah iyo masaakiintana loo gargaaro oo la taakuleeyo.

Qofka sooman oo haddana ku shaqaynayo soonkiisa wuu ka firfircoonsan yahay kan aan soomin oo shaqaynayo.

Soonku waa cuntada iyo cabbidda oo la iska reebo weeyaan,laga bilaabo fajarka ka hor, yacni intuusan waagu baryin ilaa ay qorraxda ka dhacayso,waana in afka aan waxba la gelin, waxaana ku cad waajibnimada soonka aayadda 183 ee suuradda Al-Baqara ee aynu horay u soo sheegnay,waxaa kaloo ku cad aayadda 185 ee suuradda Al-Baqara ee sheegaysa:bisha ramadaan ee la soo dejiyay qur’aanka waxay hanuun iyo caddeemo u tahay dadka,qofkii idinka mid ah oo bisha arka ha soomo,waxaa kaloo jira axaadiis badan oo wada saxiix ah oo ka hadlaysa waajibnimada soonka.

Qof kasta oo muslim ah,qaangaar ah,caqli leh,macnaha uusan waalanayn,caafimaad qaba ama awood u leh soonka,safarna uusan ku jirin,waxaa laga doonaya soon,haweenayduna haddii ay dhaahir tahay,macnaha aysan qabin caadada,waxaa laga doonaya in ay soon la timaado,waxaana lagama maarmaan ah in qofku uu niyaysto ramadaanka,jumhuurka fuqahaduna waxay qabaan in uu qofku niyaysto maalin kasta,hayeeshe Maalikiyadu waxay iyagu qabaan in qofku uu niyaysto habeenka ugu horraysa ee ramadaanka isagoo niyaysanayo in uu bisha oo dhan soomayo,labada tiir ee ugu muhiimsan soonku waa niyadda oo qalbiga laga niyaysanayo iyo in waqtigeeda la dhowro,waana fajarka ka hor iyo in xilligaasi,macnaha xilliga la sooman yahay laga haro cunto,cabbid iyo galmo.

Qofka sooman waa dhunkan karaa marwadiisa,hadduu is-ilaalin karo,labada sheekh saxiixooda waxaa ku xusan in Ummu Salama laga soo weriyay in nebiga sallallaahu caleyhi wasallama uu dhunkan jiray marwadiisa iyadoo sooman,Caa’ishana in sidaas oo kale laga soo weriyay sida ku xusan labada sheekh saxiixooda.

Soonka sida ku xusna fiqiga islaamka wuxuu u qaybsamaa lix qaybood:

1-Soonka waajibka ah ama faralka ah:waxaa khasab ku ah in qof kasta oo muslim ah in uu soomo isagoo soomaya bisha ramadaan oo dhan,haddii laga reebo dadka musaafurka ah ama jirran ama waallan ama ilmo ah ama aan awoodi karin ama haddii ay haweenayda qabto caadada.

2-Soonka sunnaha ah.

3-Soonka wanaagsana.

4-Soonka naafilad,soonkan ma lahan waqti,ama sabab la og yahay,hayeeshe aanay ku jirin maalmaha la karhay in la soomo.

5-Soonka karaahiyada ah waa:soonka maalinta carrafo waana dadka ku sugan carrafo, soonka maalinta jimcaha,soonka maalinta shakiga iyo soonka sannadka oo dhan.

6-Soonka xaaraanta ah waa:soonka labada maalin ee ciidaha ah kuwaasoo kala ah:soonfur iyo carrafo iyo soonka maalmaha tashriiqa loo yaqaano,maalmahaasoo ah cunid iyo cabbid.

Allahayow,adduun iyo aakhiraba noo naxariiso…………………Aamiiiiiiiin

W/Q: Ugaas Cumar Jaamac Iidle

Gmail: cumar[emailprotected]