Hargeisa:-Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Afhayeenkii Xukuumada Iyo Tirada Wasiiro Uu Si Dadban Ugala Wareegay Shaqooyinkii Loo Igmaday.

0
Friday May 25, 2018 - 10:18:48 in by salman abdi
  • Visits: 502
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Afhayeenkii Xukuumada Iyo Tirada Wasiiro Uu Si Dadban Ugala Wareegay Shaqooyinkii Loo Igmaday.

    Hargeisa:-Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Afhayeenkii Xukuumada Iyo Tirada Wasiiro Uu Si Dadban Ugala Wareegay Shaqooyinkii Loo Igmaday.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Faysal Cali Waraabe Oo Noqday Afhayeenkii Xukuumada Iyo Tirada Wasiiro Uu Si Dadban Ugala Wareegay Shaqooyinkii Loo Igmaday.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa u muuqda siyaasi mucaarid ah oo hadana isku rogay afhayeenka xukuumada madaxweyne Muuse Biixi isaga oo si dadban u haya hawlo loo igmaday wasiiro ka mid ah xukuumada.


Sida muuqata gudoomiye Xisbiga Ucid ayaa masuuliyiinta xukuumada uga soo horeeya mar kasta inuu ka hadlo isla markaana faraha la galo xaaladaha kala duwan ee dalka soo wajaha taas oo ay ahayd inayGudoomiye Faysal Cali Waraabe oo si toos ah ugu dhex milmay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi ayaa la wareegay shaqooyinkii loo igmaday wasiirada arimaha gudaha, warfaafinta, arimaha dibada iyo sidoo kale gaashaandhiga.



xukuumadu gudato shaqadeeda isla markaana faraha looga qaado.

 

Ficilada iyo hadalada mar kasta ka soo yeedha gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa markhaati ugu filan inuu la wareegay hawlo loo igmaday qaar ka mid ah golaha wasiirada xukuumada madaxweyne Muuse Biixi isaga oo mar kastana isku dhiga inuu la safan yahay xukuumada talada haysa iyo madaxweynaha dhigiisa ah ee kaga guulaystay doorashadii madaxtinimada ee dalka ka dhacday dabayaaqada sanadkii hore.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa u tafaxaytay inuu si dadban xukuumada uga mid noqdo isaga oo madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumadiisana ku garab taagan hawl kasta oo qabanayaan sax iyo khalad miday doontaba ha ahaatee, waxaanu markiiba la wareegay shaqooyinkii ay lahaayeen wasiirada warfaafinta iyo Gaashaandhigu, isaga oo noqday afhayeenka xukuumada ee ka hadla xaalad kasta oo dalku galo, gaar ahaana hawl galada ciidamada ee ka socda deegaanka Tuke-raq ee gobolka Sool.

Gudoomiyaha Ucid ayaa la dareemi karaa inuu si toos ah ula wareegay shaqadii wasiirka arimaha gudaha somaliland Maxamed Kaahin Axmed isaga oo dhawaan shaaciyey in siyaasiyiin uu hogaaminayaa ay gali doonaan xalinta colaada ka taagan deegaanka Ceel Afweyn, isaga oo xusay in masuuliyiintii ka tirsanaa xukuumada iyo goleyaasha kale ee qaranku ee hore arintan u galay ay ku fashilmeen.

Sidoo kale gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa si dadban ula wareegay shaqadii loo igmaday wasiirka arimaha dibada somaliland, iyada oo ay muujinayso talaabadii ugu dambaysay ee uu maanta qaaday kaas oo shir jaraa,id oo uu qabtay ku soo bandhigay heshiis ka kooban afar qodob oo dawlada Maraykanku kala dhex dhigtay somaliland iyo soomaaliya balse uu sheegay inay maanta jabiyeen maamulka Puntland, iyada oo ay ahayd shaqadii wasiirka arimaha dibada somaliland oo looga fadhiyey inuu soo bandhigo heshiiskan madaama ay xukuumadu gashay.

Marka la isku soo wada duubo gudoomiyaha xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa haatan u muuqda inuu ka mid yahay xukuumada madaxweyne Muuse Biixi isla markaana isku dhigaya xubin miisaan leh, isaga oo la wareegay qaar ka mid ah shaqooyinkii loo igmaday wasiirada.