Caalamka:-Shirkadda Google Oo Dhisaysa Magaalo Dhan Oo 'Internet-Ka' Ku Shaqaysa

0
Sunday May 27, 2018 - 11:30:58 in by salman abdi
  • Visits: 519
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Shirkadda Google Oo Dhisaysa Magaalo Dhan Oo 'Internet-Ka' Ku Shaqaysa

    Caalamka:-Shirkadda Google Oo Dhisaysa Magaalo Dhan Oo 'Internet-Ka' Ku Shaqaysa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Shirkadda Google Oo Dhisaysa Magaalo Dhan Oo 'Internet-Ka' Ku Shaqaysa Bariga magaalada Toronto ee dalka Canada waxaa ah meel xeeb ah

 oo aanan la isticmaalin, waxaase hadda la doonayaa in loo badalo magaalo dhan oo xiimaysa, casri ah, islamarkaasna u dhamaystiranyihiin adeegyadeedii oo dhan.


 

 


Shirkadda Sidewalk Labs oo ay leedahay Google ayaa soo jeedisay in ay ka dhisayso magaalo ku shaqaysa tiknoolajiyadda casriga ah.


Dan Doctoroff oo ah agaasimaha shirkadan, horeyna u ahaan jiray ku xigeenka duqa magaalada New York ayaa BBC-da u sheegay in ay dhisayaan magaalo ka caafimaad wanaagsan kuwa kale, ka habboon, kana badqab wanaagsan.


Waxaa lagu rakibayaa qalab soo jiidanaya, ama duubaya shanqadhta baabuurta iyo xitaa tayada hawada, iyaga oo sidoo kale kormeeri kara sida uu u shaqeeyo hab casri ah oo qashinka lagu qaado oo korontada ku shaqeeya.


Dadka waxaa lagu dhiirogalinayaa in ay lugeeyaan, ama baaskiil wataan mise raacaan baabuur iyaga kaligoos is kaxaynaya


Balse arrintaas waxaa su'aal ka keenay ku xigeenka duqa magaalada Toronto Denzil Minnan-Wong oo yidhi "Maxaa hadhoow loo isticmaali doonaa xogtaas, waxaa jira dhibaatooyin kale oo ka jira magaalada Toronto".


Balse shirkadda Sidewalk ayaa BBC-da u sheegtay in qalabkan aysan uruurin doonin xogta dadka , balse loo isticmaali doono in lagu horumariyo nolosha dadka.


Arrinta kale ee jirta ayaa ah baaxada dhulka magaalada laga dhisayo, markii hore shirkadda waxaa loo ogolaaday 12 acre oo kaliya, balse hadda waxa ay doonaysaa in ay dhisato meesha oo dhan , taasoo ah 325 hiktar, waxayna ka dhignaanaysaa dhul boobkii ugu weynaa.


Waxaa kale oo shirkadan lagu qabsaday in aysan xidhiidh toos ah la samaynin dowladda hoose ee Toronto, balse taas badalkeeda ay si hoose ula xidhiidheyso shirkad loo xil saaray meesha ay doonayso in ay magaalada ka dhisto.


Sharciyo waxaa jira sharciyo ay magaalada Toronto leedahay oo laga yaabo in Google ay hareer marayso, waxaana ka mid ah sharciyada tartanka xorta ah haddii ay tahay in dhulkaas shirkad lagu wareejiyo.