Hargaysa:-Somaliland Oo Laga Reebay Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan+Sababaha Keenay

0
Tuesday May 29, 2018 - 13:07:25 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Somaliland Oo Laga Reebay Koobka Adduunka Dalalka Aan La Aqoonsan+Sababaha Keenay

    Jamhuuriyadda Somaliland kama mid aha dalalka sannadkan ku tartamaya Koobka Adduunkda waddamada aan la aqoonsanin ee dunida ee CONIFA, kaas oo ka dhacay waddanka Ingiriiska.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jamhuuriyadda Somaliland kama mid aha dalalka sannadkan ku tartamaya Koobka Adduunkda waddamada aan la aqoonsanin ee dunida ee CONIFA, kaas oo ka dhacay waddanka Ingiriiska.

Somaliland ayaa ka qayb-gashay tartankii ugu dambeeyey ee CONIFA ee laba sannadood ka hor lagu qabtay waddanka Abkhazia, halkaas oo xulkii qaranka Somaliland uu wacdaro ka dhigay, isla markaana warbaahinta dunida kusoo jeediyey qaddiyadda Somaliland oo dad badan oo aan hore u maqal ay wakhtigaas barteen.

 Ma jiro war kasoo baxay xidhiidhka kubadda cagta Somaliland ee UK oo sannadkii 2016 abaabulay kooxdii ka qayb-gashay Koobka Adduunka dalalka aan la aqoonsan ee CONIFA oo ay ka mid ahaayeen afar ciyaartoy oo Hargeysa ka tegay iyo inta kale oo waddanka Ingiriiska laga kexeeyey, hase yeeshee, shabakadda ciyaaraha ee Cadalool.com oo la xidhiidhay ciyaaryahannadii sannadkaas ka qayb-galay ayaa niyadjab ka muujiyey in dalkooda oo ay dunida bareen uu hadda ka baaqanayo koobkaas.


Wasaaradda ciyaaraha ayaa 2016 waxay si adag uga soo horjeedsatay xulkii Somaliland ee wakhtigaas ka qayb-galay tartanka, waxaana uu Agaasimihii wakhtigaas oo hadda jooga wasaaradda Xidhiidhka Goleyaasha, Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ku tilmaamay inay dembi qaran galeen, isla markaana uu la xidhxidhayo markay ciyaartoygu soo laabtaan, hase yeeshee, xukuumaddii Siilaanyo ay canaan badan ugu jeedisay go’aanka khaldan ee Wasiirka ciyaaraha iyo agaasimuhu qaateen.

Ciyaaryahannadii wakhtigaas tegay Abkhazia oo shakabadda Cadalool ay la xidhiidhay, waxay sheegeen in niyad-jabkii ay qaadeen laba sannadood ka hor ay weli kasoo kaban la’yihiin oo masuuliyiintooduu khaayimiin dalkooda dembi ka galay ku sifeeyeen. Waxa kale oo ay sheegeen in tartanka sannadkan ay Somaliland ka baaqatay ay wasaaradda ciyaaruhu leedahay dembigeeda oo aanay ka hawl-gelin.

Guddoomiyihii hore ee guddida Olambikada Somaliland, Xasan Waraabe Cadde oo ka mid ahaa raggii sida adag uga shaqeeyey in 2016 ay Somaliland ka qayb-galo tartanka CONIFA, kuna guuleystay loollankii ay u galeen, ayaa xusay in sannadkan looga dheereeyey loollanka ka qaybgalka oo waddan kale la geliyey halkoodii.

Tartankan oo sannadkan si aad ah magaciisu sare ugu sii kacay, waxa ciyaarta finalka qaban doona Mark Cluttenberg oo ahaa garsooraha ugu wanaagsan guud ahaan waddanka Ingiriiska, haddana ah guddoomiyaha garsooreyaasha waddanka Sucuudiga.

 Ciyaaraha sannadkan ee CONIFA waa ay ka magac weyn yihiin kuwii ay Somaliland wacaraha ka dhigtay, waxaana si aad ah loogu qaadaa dhigi doonaa guud ahaan warbaahinta dunida gaar ahaan kuwa Ingiriiska.

 Warbaahinta dawladda Ingiriiska ee BBC oo iskugu jirta idaacado, telefishano iyo website-yo ayaa si weyn wax uga qoray tartankan, waxaana ay si gaar ah u falan-qeeyeen dalalka ka qayb-galaya oo mid walba ay taariikhdiisa, qaddiyadiisa iyo waxa uu ku doonayo madax-bannaani iyo aqoonsi ay dunida u bandhigeen.

 

Waddamadii Koobka Adduunka 2016 ka qayb-galay CONIFA World Cup

Punjab oo ka mid ah dhulweynaha waddanka India, hase yeeshee dadka kasoo jeeda gobolkaasi ay ka badan yihiin 125 milyan oo qof ayaa indhaha warbaahinta si weyn u haysata, waxaana xiiso usii yeelay xulkooda oo ay ka mid yihiin Injineero iyo dad magac leh oo iskood uga shaqaysta waddanka Ingiriska.

Muddada Uu Soconayo iyo halka lagu qabanayo

Bilow: 31 May

Dhamaadka: 9 June

Goobta: London, UK

Waddamada sannadkan ka qayb-gelaya

Abkhazia,Barawa,Cascadia,Ellan Vannin,Kabylia,Karpatalya,Matabeleland,Northern Cyprus,Padania,Panjab,Székely Land,Tamil Eelam,Tibet,Tuvalu,United Koreans in Japan iyo Western Armenia.


Isku-aadka hormooyinka

Group 1:Barawa, Ellan Vannin, Tamil Eelam, Cascadia

 

Group 2:Abkhazia, Northern Cyprus, Karpatalya, Tibet
Group 3:Padania, Székely Land, Tuvalu, Matabeleland
Group 4:Panjab, United Koreans in Japan, Western Armenia, Kabylia

 

Koobkii Adduunka CONIFA ee 2016 iyo halkii ay Somaliland kaga jirtay

Koobkii Adduunka CONIFA ee lagu qabtay Abkhazia sannadkii 2016, waxay Somaliland ku jirtay group D, waxaanay ku wada jireen Sapmi iyo Punjab oo hadda magac weyn ku heshay tartankan.

Jadwalkii 2016 oo dhamaystiran


Group A– Abkhazia, Chagos Islands & Western Armenia

Group B– Kurdistan, Székely Land, United Koreans in Japan

Group C– Northern Cyprus, Romani People iyo Raetia

Group D– Panjab, Sápmi, Somaliland