Miyuu Mohamed Salah Ku Eedeynaa Dhaawaciisa Sergio Ramos? Macalinka Jirdhiska Liverpool Ruben Pons Ayaa Ka Jawaabaya.

0
Wednesday May 30, 2018 - 10:49:14 in by salman abdi
  • Visits: 1011
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Miyuu Mohamed Salah Ku Eedeynaa Dhaawaciisa Sergio Ramos? Macalinka Jirdhiska Liverpool Ruben Pons Ayaa Ka Jawaabaya.

    Miyuu Mohamed Salah Ku Eedeynaa Dhaawaciisa Sergio Ramos? Macalinka Jirdhiska Liverpool Ruben Pons Ayaa Ka Jawaabaya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Miyuu Mohamed Salah Ku Eedeynaa Dhaawaciisa Sergio Ramos? Macalinka Jirdhiska Liverpool Ruben Pons Ayaa Ka Jawaabaya.

Weeraryahanka qaranka Masar Mohamed Salah ayaan wax eed ah u heysan kabtanka Real Madrid Sergio Ramos xilli saxaafadda iyo dadyowga kubadda cagta badankood ay aaminsan yahiin inuu dhaawaca ahaa mid kutalagal ah.

Salah kama careysna Sergio Ramos mana aaminsana inuu Ramos ugu talagala inuu dhaawacyo intii ay socotay ciyaartii final-ka ee ka dhacday Kiev markaas oo mugdi badan la galiyay rajadiisa koobka Aduunka.

Macalinka Jirdhiska LiverpoolRuben Pons ayaa ka sheekeeyay sida uu yahay dareenka Mohamed Salah kadib markii uu ka dagay Spain si uu halkaas daaweyn ugu soo qaato si uu isugu dayo inuu ka hor koobka Aduunka taam buuxa noqdo.


"Salah iima sheegin wax ku saabsan Sergio Ramos, umana maleynayo inuu ka careysan yahay, waxey aheyd isku dhac shil ah” ayuu yiri Pons oo la hadlayay saxaafadda.

"Waan ognahay iney wax qatar ah dhaceen isla markii uu dhulka ku dhacay sababtoo ah waligiis ma caban, waxaan ka cabsanay inuu noqdo mid xun”


"Aad ayaan uga xumaaday, waxaan isku dayay inaan dajiyo. Waxaan u sheegay inuusan waxba sameynin isla markaana uusan wax walwal ah dareemin. Waa waqtigii la raadin lahaa xalka isla markaana aan laga shallaayin waxyaabaha aan dhicin”