Aaladda Caawisa Garsoorka Ee VAR Oo Lagu Soo Kordhiyay Xeer Garsooraha Awood Dheeri Ah Siinaya & Sharraxaad Laga Bixiyay Siduu U Shaqeynaayo.

0
Wednesday May 30, 2018 - 10:49:14 in by salman abdi
  • Visits: 841
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aaladda Caawisa Garsoorka Ee VAR Oo Lagu Soo Kordhiyay Xeer Garsooraha Awood Dheeri Ah Siinaya & Sharraxaad Laga Bixiyay Siduu U Shaqeynaayo.

    Aaladda Caawisa Garsoorka Ee VAR Oo Lagu Soo Kordhiyay Xeer Garsooraha Awood Dheeri Ah Siinaya & Sharraxaad Laga Bixiyay Siduu U Shaqeynaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aaladda Caawisa Garsoorka Ee VAR Oo Lagu Soo Kordhiyay Xeer Garsooraha Awood Dheeri Ah Siinaya & Sharraxaad Laga Bixiyay Siduu U Shaqeynaayo.

Aaladda garsoorka caawisa ee VAR ayaa lagu soo kordhiyay xeer cusub kaas oo awood dheeri ah siinaya garsoorka, iyadoo la abaalmarin doono ciyaartoyda sameysa dhaqan xumo ama xad-gudub inga lagu jiro garoonka ama inta lagu jiro waqtiga nasiinada xitaa hadii uusan dhacdadaas arkin garsoorka.

Garsooraha wuxuu awood u leeyahay inuu ciyaartoyda ku ciqaabo wax walba oo ay ka geystaan garoonka dhexdiisa oo uusan arkin iyo sidoo kale garoonka banaankiisa, wax walba oo ka dhaca waqtiga nasiinada ee lagu soo wargeliyo wuxuu dib uga daawan doonaa shaashadda isagoo go’aan ka gaari doona hadba sida ay wax ula muuqdaan.

Xeerka VAR wuxuu markii hore awood ku siinayay garsoorka inuu kaliya diiradda saaro dhacdooyinka gudaha garoonka, mana loo ogoleyn inuu la xaalo waxa ka baxsan diilinta lagu ciyaaro.


Garsooraha wuxuu bixin karaa casaan hadii guddiga garsoorka ay kusoo wargaliyaan dhacdo dhacday intii lagu maqnaa nasiinada isagoo dib u daawan doona dhacdada.

Xeerkaan hal sabab ayaa dhalisay in la hirgaliyo waana in la yareeyo rabshadaha dhaca marka ay ciyaarta dhamaato kuwaas oo aan badankood la isku ciqaabin, iyadoo inta lagu jiro koobka Aduunka uu xidig walba taxadar weyn sameyn doono.


Sidoo kale dhacdo walba oo uusan garsoorka arkin balse uu dib ka ogaado ama laga ogeysiiyo wuxuu ka qaadan karaa go’aan isagoo joojin doona ciyaarta waqti walba oo ay mareyso.