Belgium:-Nin dad ku laayay magaalada Liège ee dalka Belgium-ka.

0
Thursday May 31, 2018 - 09:08:34 in by salman abdi
  • Visits: 365
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Belgium:-Nin dad ku laayay magaalada Liège ee dalka Belgium-ka.

    Belgium:-Nin dad ku laayay magaalada Liège ee dalka Belgium-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Belgium:-Nin dad ku laayay magaalada Liège ee dalka Belgium-ka.

Garyaqaanka dawladda Biljamka ayaa waxa uu sheegay in uu ahaa fal argagixiso weerarkii bareerka ahaa ee lagu dilay labo gabdhood oo askar ah iyo arday loo tababarayay macalinimo.

Waxaa masuuliyiinta dalkaasi xaqiijiyeen in ninka ka dambeeyey dilka uu ku qaylinayey dhowr jeer allah-akbar intii uu weerarka ka waday magaalada bari ee ku taal dalkaasi, ugu dambeyntiina ay booliisku dileen ninkaasi.


Qofka weerrarka gaystay ayaa warar laga helayo gudaha dalkan Biljamka waxa ay ku magacaabeen Benjamin Herman, kaasi oo la sheegay in lagu yaqaanay ka ganacsiga daroogada.

Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in ninkaasi Isniintii si kumeel gaar ah hal habeen xabsiga laga soo fasaxay, si gacan looga siiyo inuu isu diyaariyo sii dayntiisa rasmiga ah oo soo dhaweyd.

Haatan waxa ay u muuqataa in habeenkii Isniinta uu dilay nin ay xabsiga ku wada xirnaan jireen.

Kaddibna waxyar un ka hor mudada ay aheyd inuu shalay dib ugu soo laabto xabsiga ayaa waxaa uu dib ugu laabtay dilkii uu fulin jiray oo waxa uu bartilmaameedsaday askar booliis ah oo ku sugnaa magaalada Liege.

Ninkaan ayaa labadan askari oo haween ahaa waxa uu ku dilay qoryahoodii, waxa ayna haaayeen hooyooyin ku jiray da'da afartameeyada.

Sidoo kale ninkani waxa uu gaariga uu watay ka soo toogtay arday 22 sano jir ahaa oo marayay wadada hareeraheeda.

Dacwad oogayaasha ayaa waxa ay weli baarayaan waxa ninkaasi ku dhaliyay inuu weerraradaasi qaaddo, hasayeeshee dambiyada uu gaystay ayey ku tilmaameen inuu yahay dil argagixiso.

Dad badan ayaa ka tacsiyeeyay weerarka
Image captionDad badan ayaa ka tacsiyeeyay weerarka

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Jan Jambon, ayaa u sheegay radio ku yaal dalka Biljamka inay muuqanayeen in Benjamin Herman uu xabsiga xagjir ku soo noqday.

Mr Jambon ayaa sheegay in ninkaasi uu tijaabinayay awooddiisa maadaama si ku meelgaar ah xabsiga looga sii daayay.