Aljeeriya:-Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay.

0
Friday June 01, 2018 - 08:01:29 in by salman abdi
  • Visits: 439
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Aljeeriya:-Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay.

    Aljeeriya:-Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aljeeriya:-Aljeeriya oo daroogada Cocain oo dhan 700 oo kiilo markab ku qabatay.

Hay'addaha ammaanka ee dalka Aijeeriya ayaa sheegay iney qabteen daroogada Coaine loo yaqaanno oo ka badan 700 kiilo oo saarneyd markab ayna u xirxireen 20 qof oo looga shakiyey iney daroogadaasi gudbin rabeen.

Markabka ayaa wuxuu siday hilib laga keenay dalka Brazil wuxuuna horay ugu soo xirtay dakadda Valencia ee dalka Spain.

Wuxuuna dekadda galbeedka Aljeeriya ee Oran uu ugu soo xirtay badda oo xirneed awgeed balse shakiga uu keenay marki naakhuudaha markabka uu diiday inuu 3 maalmood dakadda taagnaado.

Naakhuudaha oo damcay inuu markabka badda ku geddiyo ayaa waxaa qabtay ciidamada ilaalada badda ee Aljeeriya waxayna ku qasbeen inuu dekadda Oran uu ku soo xirto.

Sawirka daroogada ay qabteen ciidamada badda AljeeriyaLahaanshaha sawirkaALGERIAN DEFENCE MINISTRY
Image captionSawirka daroogada ay qabteen ciidamada badda Aljeeriya

Daroogada markabka ay saarneyd oo lagu qabtay wuxuu ka diiwaangashan yahay oo laga leeyahay dlaka Liberia waxaana lagu magaacaabaa Vega Mercury, waxayna galka hore ee daroogada ku soo qoreen 'hilib xalal ah'.

Khariirad muujineyso Dakadda Oran halka ay dalka Aljeeriya kaga taallo iyo Dakadda Valencia halka ay Spain kaga taallo
Image captionKhariirad muujineyso Dakadda Oran halka ay dalka Aljeeriya kaga taallo iyo Dakadda Valencia halka ay Spain kaga taallo