Itoobiya:- Hayadda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International Oo Ku Baaqday In La Kala Diro Ciidan Ka Hawl Gala Itoobiya -

0
Friday June 01, 2018 - 12:49:06 in by salman abdi
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Itoobiya:- Hayadda Xuquuqda Aadanaha Ee Amnesty International Oo Ku Baaqday In La Kala Diro Ciidan Ka Hawl Gala Itoobiya -

    Hay'adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, iyada oo ku sababaysay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobol

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda xuquuqda aadnaha ee Amnesty International ayaa ugu baaqday dawladda Ethiopia inay si deg deg ah u kala dirto ciidamada booliska is-maamulka Soomaalida ee Liyu Boolis, iyada oo ku sababaysay inay si sharci darro ah dad ugu dilayaan gobolka Oromada.


Warbixinta ayaa sidoo kale sheegtay in 23-kii iyo 24-kii May ay ciidamada Liyu Boolis weerareen afar xaafadood oo ku yaalla degmada ChinaksenBariga Oromia, halkaasi oo ay ku dileen 5 qof, oo beeraley ahaa, islamarkaana ku gubeen 50 guri.Warbixin ay hay’adda soo saartay ayaa lagu sheegay in xubno ka mid ah ciidamadaas ay toddobaadkan gubeen 48 guri oo ay lahaayeen qoysas Oromo ah, kuwaas oo ay ku qasbeen inay u qaxaan magaalada Kiro ee gobolka Oromada.

 

Agaasimaha Amnesty ee Bariga iyo Geeska Afrika, Joan Nyanyuki ayaa dawladda Ethiopia ugu baaqay in ay ciidamada Liyu Boolis ku beddesho ciidamo u hoggaansama xeerarka caalamka ah ee xuquuqda aadanaha.

 

 

 

Source:-VOA