Washington:-Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un.

0
Saturday June 02, 2018 - 09:07:14 in by salman abdi
  • Visits: 323
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un.

    Washington:-Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Trump oo xaqiijiyey inuu la kulmayo Kim Jong-un.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa xaqiijiyeey kulanki qorsheysna uu la yeelan lahaa hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi inuu 12-ka bisha June uu ka dhacayo Singapore.

Madaxweynaha wuxuu hadalkasi sheegay kaddib marki uu u dhammaaday kulan uu aqalka cad kula yeeshay Kim Yong Chol, oo ah ergeyga sare ee ka socday xukumadda Piongyang.

Wuxuuna Trump sheegay inuu aaminsan yahay kulanku inuu ugu dambeyn uu qabsoomo, uuna noqdo mid lagu guuleysto iminkana ay socdaan marxalado looga gogol xaadhayo.

Xiriirka uu dalkiisu la yeelanayo kuuriyada Waqooyina uu haatan uu marayo meel wanaagsan oo la isku halleyn karo.

Wafdiga ka socday Piyongyang waxay Trump guddoonsiiyeen dhambaal ay uga sideen Kim Jong-un, dhambaalkaasi oo uu ku tilmaamay Trump 'mid soo jiidasho leh' balse uu sheegay inuu furin.

Kulankan uu maanta uu madaxweyne Trump si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu qabsoomayo oo ah mid horay u qorsheysnaa waxaa marar badan soo galay hakad siyaasadeed oo sababi gaadhay gebi ahaanba heshiiska inuu burburo madaxda labada dal oo hadalla kulkulul isdhafsanayey awgeed.