Nigeria:-Maaliyadda xulka Nigeria oo bakhaarada laga dhamaystay

0
Saturday June 02, 2018 - 09:07:14 in by salman abdi
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nigeria:-Maaliyadda xulka Nigeria oo bakhaarada laga dhamaystay

    Nigeria:-Maaliyadda xulka Nigeria oo bakhaarada laga dhamaystay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Nigeria:-Maaliyadda xulka Nigeria oo bakhaarada laga dhamaystay

Saacado gudahood ayaa lagu xaaqay dharka ay xiran doonaan kooxda xulka kubbadda cagta ee Nigeria marka la gaaro ciyaarada adduunka ee lagu qaban doono dalka Ruushka.

Illaa 3 milyan oo qof ayaa horey usii dalbatay funaanadaha iyo gashiga kale ee kooxda, iyada oo xitaa ay bakhaaradii ka dhamaadeen dharka.

Dad badan ayaa safaf dhaadheer u galay bakhaar ku yaala magaalada London, halkaas oo funaanadaha lagu iibinayay.

Dharka oo ah labo nooc oo kale duwan, ayaa joogiiba lagu kala iibsaday £64.95 oo lacagta Ingiriiska ah, inta badana waxaaba lagu dhamaystay iibka internetka.

Ninka u ciyaara Arsenal Alex Iwobi ayaa ka mid ahaa ciyaaryahanada xayaysiiska u sameeyay dharkan.