Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tagay Garoowe+U Jeedka Safarkiisa.

0
Saturday June 02, 2018 - 09:07:14 in by salman abdi
  • Visits: 299
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tagay Garoowe+U Jeedka Safarkiisa.

    Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tagay Garoowe+U Jeedka Safarkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Galmudug Oo Booqasho Dhuumasho Ah Ku Tagay Garoowe+U Jeedka Safarkiisa.

Warbaahinta Maxaliga ah ayaa ogatay in Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) uu xalay ku hoyday magaalada Garowe, kadib markii safar Warbaahinta laga qariyay uu shalay oo Jimco aheyd uu ku tagay Magaalada Garowe.
 
Saraakiil ka tirsan Maamulka Puntland ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in xalay kulan ka dhacay Madaxtooyadda Garowe ay wada yeesheen Gaas iyo Xaaf.
 
 


Ilo Wareedyo kala duwan ayaa sheegaya iyadoo uu taagan yahay khilaafka ka dhex taagan madaxda Maamulka Galmudug dhexdooda in Xaaf uu safarkaan ku tagay Garowe.
 
Warkan oo lagu baahiyay Universaltv ayaa intaas ku daraya in Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ahna sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad Goboledyada dalka ka jira iyo Xaaf


kulanka dhexmaray xalay ayaa looga hadlay arrimaha ka taagan Khilaafka Galmudug.
 
Madaxweyne Xaaf ayaa dareemaya culeys Siyaasadeed oo kaga dhex furay Galmudug dhexdeeda.
 
Dhawaan ayaa la filayaa in Magaalada Baydhabo lagu qabto Shirka amniga Qaranka oo ay ka qayb galayaan madaxda dowlad Goboledyada iyo kuwa dowladda dhexe.