Russia:Madaxweynaha Ruushka Oo Ka Hadlay Iskaashi Dhex Mari Kara Dalka Itoobiya

0
Saturday June 02, 2018 - 14:41:07 in by salman abdi
  • Visits: 340
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Russia:Madaxweynaha Ruushka Oo Ka Hadlay Iskaashi Dhex Mari Kara Dalka Itoobiya

    Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi uu la yeesho dawladda Itoobiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha waddanka Ruushka Vladimir Putin waxa uu sheegay in dalkiisu diyaar u yahay iskaashi uu la yeesho dawladda Itoobiya.

Waxa uu sheegay in uu danaynayo iskaashi laga sameeyo dhinacyada faa’iidada u leh dadyawga labada dal. 

Waxa uu sidaasi ku sheegay dhambaal hambalyo ah oo uu u soo diray ra’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed maalinta Qaranka Itoobiya awgeed.

Itoobiya waxay Isniintii u dabaal degtay 27 guurada Ginbot 20 oo ku astaysan markii la riday nidaamkii Dhergiga. Sida ay sheegtay idaacada dalka Itoobiya ee Radio Fana Waxa kale oo uu madaxweynaha Ruushku ku baaqay in la soo celiyo xidhiidhka taariikhiga ah ee Itoobiya iyo Russia waxaanu intaasi ku daray in labada dal xoojin doonaan xidhiidhkooda bahwadaagnimo ee dhinacyada ammaanka iyo xasilloonida Afrika. 

Dawladda Itoobiya ayaa ah tan ugu saamaynta badan Geeska Afrika tan iyo 1991 waxaanay saamayn ku leedahay Afrika iyada oo hoy u ah xarunta madawga Afrika. Bilihii la soo dhaafay ayay warbaahinta caalamku si weyn u qaada dhigtay in Ruushku doonayo soo celinta awooddiisii Afrika, iyada oo marinka uu ka soo galayo lagu sheegay saldhig uu ka samaysanayo degmada Saylac ee Somaliland.