Baydhabo:-Kulamo dhaxmaray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada+Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

0
Monday June 04, 2018 - 09:37:21 in by salman abdi
  • Visits: 302
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baydhabo:-Kulamo dhaxmaray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada+Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

    Baydhabo:-Kulamo dhaxmaray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada+Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baydhabo:-Kulamo dhaxmaray madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul gobolleedyada+Qodobada Ay Ka Wada Hadleen.

Magaalada Baydhabo xarunta KMG u ah maamul Koonfur Galbeed ayaa saacadihii ugu danbeeyay waxaa kulamo gooni gooni ah ah ku yeeshay madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada dalka.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), Ra’iisul wasaaraha dalka Xassan Cali Khayre ayaa kulan gaar ah la yeeshay madaxda maamul dowlad goboleedyada dalka jira, iyaga oo ka wada hadlay arrimo ku saabsan xiriirkooda.

Kulamada ayaa sidoo kale la sheegay in looga wada hadlay xiriirka labada dhinac oo maalmihii ugu danbeeyay ahaa mid mad madow uu ku jiro, waxaana madaxda dowladda federaalka ay maamul goboleedyada ka dalbadeen in xiriirka dhankooda ay ka xoojiyaan.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow (Ducaalle) iyo gudoomiyaha gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yariisow) ayaa xalay kulamo la qaatay saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed, waxayna ka wada hadleen xoojinta arrimaha ammaanka iyo wada shaqeyn buuxda in lahelo.

Maanta oo Isniin ah ayaa lagu wada in magaalada Baydhabo uu ka furmoa shirka Golaha amniga Qaranka, kaasi oo maalmihii dambe ay socotay qaban qaabadiisa, shirkan waxaa diirada lagu saarayaa arrimaha ammaanka.