yamaa waalan? W/Q Barkhad M Kaariye

0
Monday June 04, 2018 - 12:43:47 in by salman abdi
  • Visits: 1020
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    yamaa waalan? W/Q Barkhad M Kaariye

    Waxay si dangiigsi leh ugu tuntuunsadeen labadiisa gacmood, waxaanay hareeraha ugaga jiraan sidii tuug la qabtay oo laga feejigan yahay in uu baxsado.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxay si dangiigsi leh ugu tuntuunsadeen labadiisa gacmood, waxaanay hareeraha ugaga jiraan sidii tuug la qabtay oo laga feejigan yahay in uu baxsado.  
Itaal ahaan way ka awood badan yihiin, haddana waxay ugu dheggan yihiin sidii laba qof oo aan kalsooni badan ku qabin kartidooda xejineed. 

Way socdaan, waxaana dhinac socota Gabadh da’ahaan wayn. Intaa wuu daldalmayaa hadal nuxurkiisu ku abbaaran yahay Gabadha, laakiin waxay u muuqdaan in aanay u jawaabayn, "Soco ha-nala hadline” iyo ereyo la mid ah oo hatigaad iyo gundhis turunturro daarani weheliyaan, ayay ugu hadalcelinayaan. 

Waa Hargeisa iyo goor fiidnimo ah, ninka garbaha la hayaa da’ahaan waa gedaha afartan jir, aragti ahaan wuu ka lebis duugsan yahay kuwa garbaha haya, balse kama caqli liito! Islaanta dhinac socotaa kama riddo ninka la jiidayo mararka qaarkood ee u qayshanaya, sababtoo ah, waxaabay u egtahay in iyada loo soo qabtay oo loo wado. 

Qof kasta wuxuu isku dayayaa in uu la hadlo, si ay uga dhiciyaan ragga awoodda ku muquuninaya, balse cid walba oo u joogsan lahayd,

kuwan wada ayaa ka didiya, "Waar waa nin is-waalaya oo aanu soo qabanaye, iskaga socda,” ayay kaga hortagaan qof kasta oo isku daya in uu u hakado ninkan la jiidayo! Qiyaastayda tiro ma leh inta qof ee uu u qayshaday, balse dhaaftay! Hase ahaatee, aakhirkii waanu soo gaadhnay. 

Markan malahayga u qaatay in uu hoosta iska yidhi; alleylehe kuwan ku mitid oo yaanay ku dhaafin nimanka ha kaa ridaane! Inkasta oo uu soo qaylinayay markii uu naga hor yimi, anaguna aanu la yaabbanayn ninkan waxa ka qaylisiiyay, balse aanu arkayno in la qasbayo, ayuu na soo gaadhay, "Waar ilmaadeerayal nimankan iga rida oo noo gar naqa!”, ayuu codsi ahaan nagu yidhi. 

Iyaguna (raggii waday) halkoodii ayay ka miiseen in aananu dhegba jalaq u siin ee aanu iska dhaafno, hase ahaatee, waxaanu isku daynay in aanu dhegaysano wuxuu ka hadlayo oo ay daayaan. Naga ogolaade, marki buu bilaabay gartiisii; "Nimanyahow, Islaantan I dhinac taagani waa Hooyaday, nimankan garbaha I hayana, kani (kii dhinaca midig hayay) waa walaalkay, kan kalena waa inaadeerkay. 

Waxay I leeyihiin waad waalan tahay ee waanu ku soo xidhaynaa, Hooyadayna waa tanoo maalin kaliya dhib igamay sheegan,” ayuu hadalkiisa ku bilaabay. 

Anaga oo aad ula dhacsan sida uu u gardhiganayo, balse ay hadba madaxa gundhinayaan qoladii garbaha haysay oo ay u hollanayaan inay kaxeeyaan, ayuu hadalkiisii sii amba-qaaday, "Anigu subixii markaan ka soo baxo Guriga hooyaday, waxaan habeenkii ku laabtaa aniga oo u sida lacag 20,000 (Labaatan kun oo Shilin), kanna (walaalkii), hooyaday wuu ka qaadaa lacagta aan u geeyo. 

Markaa ilmaadeerayaalow, kaayagee waalan ninkayga Hooyadii lacagta u geeya iyo ninka ka qaada wixii aan u geeyaba?!!!!” Bal waa lama-arage Iyamaa waalan?, Anagoo aad ula dhacsan garta ninkani dhigtay, ayaanu mar kaliya wada nidhi, waar ninku ma waalnee sii daaya! Balse, sii wade oo warkayaga ma dhegaysan!. 



Barkhad M. Kaariye