Gudaha:-Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Bilaabay Diwaan Gelinta Sariflayaasha, Soona Bandhigay Faa,iidada Ku Jirta.

0
Tuesday June 05, 2018 - 22:13:34 in by salman abdi
  • Visits: 538
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Bilaabay Diwaan Gelinta Sariflayaasha, Soona Bandhigay Faa,iidada Ku Jirta.

    Gudaha:-Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Bilaabay Diwaan Gelinta Sariflayaasha, Soona Bandhigay Faa,iidada Ku Jirta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Baanka Dhexe Ee Somaliland Oo Bilaabay Diwaan Gelinta Sariflayaasha, Soona Bandhigay Faa,iidada Ku Jirta.

Baanka dhexe ee somaliland ayaa shaaciyey inuu bilaabay diwaan gelin uu ku samaynayo sariflayaasha ka hawl gala dalka.

Diwaan gelinta sariflayaasha oo lagu bilaabay kuwa ka ganacsada magaalada Hargeysa ayaa sidoo kale la siinayaa liisan cusub oo u ogolaanaya inay sarifaan lacagaha kala duwan.


Agaasimaha baanka dhexe ee somaliland Axmed Xasan Carwo oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey diwaan gelinta ay ku samaynayaan sariflayaasha iyo liisamada cusub ee ay siinayaan waxaanu yidhi "Nidaam wanaagsan ayaanu bilawnay kaas oo ah liisankii aanu siinayno sariflayaasha oo aanu dib u eegis ku samaynay, liisan rasmi ah oo aan cidina foojari garayn

Karin, oo aanu doonayno in nin kasta oo sarifleh ah uu hortiisa ku dhajisnaado kaas oo sawirkiisa leh, intii imika liisanka cusboonaysiisantay ee kharashkii bixisay aanu dhamaantood u diyaarinay kuwii kale ee wax lagu leeyahayna aanu daba gal ku samaynayno anaga oo nin walba u tagi doona oo marka uu kharashka cusboonaysiinta iska bixiyo aanu siin doono kan cusub.”

 

Agaasimaha baanka dhexe oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey "Marka aanu doonayno inay dadku kala noqdaan kuwo sharciyo kala leh oo ninkii sariflaha ahaa ee aanu liisanka siinay iyo ninkii kale la kala ogaado,si dadka suuqa ka shaqaysanayaa inay risiqooda iyo macaashkooda ku helaan si xalaal ah, si lacagta faraha badan ee sariflayaasha ah ee dad aan jirin wareejinayaa ay meesha uga baxdo oo qaladaad badan oo sixir bararka iyo waxyaabo badan keenaya, waxaanan ogaanay inay jiraan dad ciidaas ka badan oo aan ruqsad naga haysan kuwaas ayaanan u digaynaa.”

Sidoo kale agaasimaha baanka dhexe waxa uu ka hadlay faa,iidada ku jirta in la diwaan geliyo sariflayaasha waxaanu yidhi "Marka ay dadku noqdaan qaar shuruucda ilaaliya oo ay arkaan in sharcigu shaqaynayo, amarada dambe iyo shuruucda dambe ee naga soo baxa in fulin karta ayaa noqon doonta sariflayaasha nala shaqayn doonta halka imika ay tahay in dad aanaan garanayn ay sarifayaan suuqa kuwaas oo ka baxsan awooda aanu ku maamuli karno.”

Sidoo kale waxa uu ka hadlay ciqaabta uu mudan doono sariflaha aan samayn liisanka uu lacagta ku sarifayo waxaanu yidhi "Marka hore nin aan liisan haysan inuu ganacsado waa xadhig meeshana waa laga xidhayaa, xadhig ayaanu mutaysanayaa waxaana jira hab inoo yaala, nin aan cidi liisan siin oo ku shaqaysanaya meel liisan looga baahan yahay sharciga ayuu jabiyey oo waa la yaqaanaa maxkamadaynta, xadhiga iyo waxa u yaala waana la marinayaa.”