Baydhabo:-Shirka Maamulada Somalia Oo Xidhamay Iyo Qodobada Ka Soo Baxay.

0
Wednesday June 06, 2018 - 08:57:52 in by salman abdi
  • Visits: 564
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Baydhabo:-Shirka Maamulada Somalia Oo Xidhamay Iyo Qodobada Ka Soo Baxay.

    Baydhabo:-Shirka Maamulada Somalia Oo Xidhamay Iyo Qodobada Ka Soo Baxay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Baydhabo:-Shirka Maamulada Somalia Oo Xidhamay Iyo Qodobada Ka Soo Baxay.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirka laga soo saaray waxaa ka mid ah arimaha amniga iyo ladagaalanka wax lagu tilmaamay argagaxisada.

Ciidanka daraawiishta maamulka Koonfur Galbeed ayaa la sheegay inay qayb ka noqon doonaan howgal lagu furayo wadada u dhaxaysa Muqdisho iyo Baydhabo, waxayna ciidankaasi hoostagayaan taliska guud ee ciidanka xooga dalka ee meleteriga

Gudiga qaranka ee iskudhafka ciidamada ayaa go'aanada shirka ka soo baxay lagu faray inay la yimaadaan qorshe howleed mudo sodon maalmood gudahooda ah.

Qodobka kale oo muhiim ahaa ayaa isna lagu sheegay in dowladda dhexe ay ciidamada maamul goboleedyada ka caawin doonto hub,saanad,agab ciidan,raashindawo,guno, tababar iyo tayayba.

Waxaa kaloo la sheegay in Galmudug iyo Puntland, oo aysan joogin ciidamada AMISOM, laga caawiyo hawlgallada ka dhanka ah argagixisada Al Shabaab iyo Daacish oo ku sugan Buuraha Galgala, deegaannada Bariga fog iyo Koonfurta Galmudug, lagana taakuleeyo saddexda qaybood ee qorshaha kalaguurka.

Qodobka kale oo dhaqaalaha dalka ku saabsanaa ayaa lagu sheegay in la go'aamiyay in si deg deg ah loo mideeyo canshuuraha dalka.

Waxaa kaloo lagu qoray heshiiskan in la hirgaliyo doorasho qof iyo cod ah sanadka 2020, balse lama sii qeexin suurtogalnimada arinkani.

Heshiiskan ayaa imanaya xili ay weli kala taagan yihiin maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe, shirkan Baydhabana laguma soo qaadin arimaha sida gaarka ah ay isugu hayaan labada dhinac.

Waxaa sidoo kale qodobada heshiiskan ka muuqda kuwo shirarkii hore looga hadlay balse weli aanan la hirgelinin