Ethiopia:-Dadka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dhigay dibadbax+Arimaha Lagag Soo Hor Jeedo.

0
Saturday June 09, 2018 - 09:00:45 in by salman abdi
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ethiopia:-Dadka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dhigay dibadbax+Arimaha Lagag Soo Hor Jeedo.

    Ethiopia:-Dadka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dhigay dibadbax+Arimaha Lagag Soo Hor Jeedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ethiopia:-Dadka gobolka Tigray ee dalka Itoobiya oo dhigay dibadbax+Arimaha Lagag Soo Hor Jeedo.

Dadka Itoobiyaanka ah ee ku nool gobolka waqooyi ee Tigray ayaa dhigay dibadbax ay uga soo horjeedaan go'aankii dowladooda ee ku aadanaa in la dhaqangaliyo heshiiskii nabadda ee lagu soo afjaray dagaalkii xuduuda ee kala dhaxeya Eritrea.

Ku dhawaad 6,000 oo ah dadka ku nool xuduuda labada dal ayaa ka qaybgalay dibadbaxyada.

Waxa ay dadkan sheegeen in dadkooda la kala qaybinayo haddii qaar ka mid ah dhulkooda lagu wareejiyo Eritrea.

Ciidamada Itoobiya ayaa ku sugnaa dhul ay guddiga xuduudaha ku wareejiyeen dowladda Eritrea.

Tobannaan kun oo qof ayaa ku dhintay dagaalkii muddada labada sano ah ka socday xuduuda labada dal.

Dagaalkan ayaa la soo afjaray 18 sano ka hor .

Dhawaan ayay ahayd markii dowladda Itoobiya ay shaacisay in dhaqangalinayso warbixintii ay soo saareen guddigii Qaramada Midoobay.