Washington:-Trump oo ku gacan seeray war murtiyeedkii ka soo baxay shirka G7.

0
Sunday June 10, 2018 - 09:09:10 in by salman abdi
  • Visits: 401
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Trump oo ku gacan seeray war murtiyeedkii ka soo baxay shirka G7.

    Washington:-Trump oo ku gacan seeray war murtiyeedkii ka soo baxay shirka G7.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Trump oo ku gacan seeray war murtiyeedkii ka soo baxay shirka G7.

Waa isbedel la yaab leh oo uu sameeyay madaxweyne Trump.Markii hore waxa uu isagoo caga jiidaya ogolaaday heshiiska ku sabsan ganacsiga oo ay eray eray loo kala dhig dhigay.

Heshiiskaan ayaa waxa ku dhawaaqay ra'isal wasaaraha waddanka marti galinaya shirka Justin Trudeau.

Raisul wasaaraha dalka Canada Justin Trudeau ayaa sheegay in dalalkan ay gaareen heshiis islamarkana ay soo saareen war murtiyeed dhamaystiran

waxaa uu sheegay in uu ku faraxsanyahay natiijada shirka.

Balse Mr. Trudeau ayaa sidoo kale sheegay in Canada ay bisha dambe qaadi doonto tallabooyin aarsi ah oo looga jawaabayo canshuuraha Mareykanaka uu si cadaalad darro ah u soo rogay.

Waanu nahay mas'uliyiin balse ma ogolaneyno in nala warwareejiyo. waxaa uuna canshuurahasi ku tilmaamay in ay yihiin aflagaaddo.

Donald Trump ayaa isagoo diyaarad saaran warbixin uu bartiisa twitter-ka ku qoray waxa uu Mr Trudeau ku eedeeyay in uu sheegay warbixn been abuur ah oo daciif ah.

Waxa uuna saraakiisha Mareykanka u sheegay in aysan warbixnta la wadaagin warbaahinta.

Trump ayaa inta uusan war murtiyeedkaan soo bixin eedeeyn dusha uga tuuray madaxdii isaga ka horeysay ee Mareykanka soo martay.

Waxa uu Trump ku eedeeyay madaxdii hore ee Mareykanka in aysan shaqa wanaagsan ka qaban ganacsiga .

Dhanka kale Madaxwaynaha faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa sheegay in ay tahay tallaabadii kowaad ee xalka dagaalka ganacsiga, balse aan la wada xalin dhamaan farqigii u dhaxeeyay dalalkan gaar ahaan canshuurta ay Mareykanka soo rogeen.

Shirkaan ayaa u muuqday mid lagu dhameeynayo dagaalka ganacsiga laakinse taasi ma aysan dhicin.