War Deg Deg Ah Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay +Sababta Ka Danbaysa Xadhigiisa.

0
Sunday June 10, 2018 - 09:58:04 in by salman abdi
  • Visits: 425
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay +Sababta Ka Danbaysa Xadhigiisa.

    War Deg Deg Ah Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay +Sababta Ka Danbaysa Xadhigiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Masuul Ka Tirsan Xisbiga Kulmiye Oo Hada Xabsiga Loo Taxaabay +Sababta Ka Danbaysa Xadhigiisa.
Hadaba Wararka Aanu Hada Helayno Ayaa Sheegaya In Aqoonyahan Axmed Sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Ay Xabsiga U Taxaabeen Ciidamada Amaanku Xili Uu Ku Sugnaa Caasimada Hargaysa Iyadoo Maalmihii Ugu Dambaysay lagu Daba Jiray Sidii Ay Ciidamadu Gacanta Ugu Dhigi Lahaayeen Waxana Wararku Sheegayaan In Xadhiga Aqoonyahan Axmed Sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Uu Ka Dambeeyo Islamarkaasina Uu Bixiyay Amarkaasi Xoghaynta Madaxwaynaha Somaliland Mudane Mubaarik Ismaaciil Taani oo Adeegsanaya Awoodii Ciidamada Amaanka Xoghaynta madaxwaynaha oo si khaldan ugu takri falaya awoodii madaxwaynaha ayaa xabsiga u taxaabay aqoonyahan Ahmed Biito oo xiliyadii ololuhu ugu kululaa Muuse Biixi u ga soo wareegay xisbiga mucaaradka ee Wadani taasi oo masuuliyiinta gobolka kasoo jeeda ee xisbigaasi ay dhulka dhigeen oo albaab kasta ka xidheen.

 

Xoghaynta madaxwayne Muuse Biixi ayaa ka mida dadkii geed dheer iyo geed gaaban ba u fuulay sidii Ahmed Biito loo keeni lahaa xisbiga Kulmiye kuwaasi oo markii uu u yimiday saamayntiisii siyaasadeed ay hoosta dhigeen.
Ahmed Biito waa saxafi hore uga hawl gali jiray saxaafada dalka Jamhuuriyada Somaliland sidoo kale ahaa macalinkii saxaafada gobolka Gabiley. Ahmed Biito waa mutacalim shahaadada degreega labaad ee MASTER-ta kusoo diyaariyey cilmiga maamulka dawlada (Public Administration) taasi oo baahi wayn looga qabo dalka.

Dhalinyaradii gobolka Gabiley kasoo jeeday ee Ahmed Biito Xisbiga Kulmiye keenay oo dhamaantood ka wada xumaaday xadhiga xaqdarada ah iyo sifaha khaldan ee loo xidhay Ahmed Biito. La Soco wixii Dambe Ee Warar kasoo Kordha Xadhiga Aqoonyahan Axmed Sheekh Nuur Ducaale (Axmed Biito) Ay Xabsiga U Taxaabeen Ciidamada Amaanku Xili Uu Ku Sugnaa Caasimada Hargaysa

Bal Hada Ila Wadaag Sida ay U Dhignayd Raali Galintii Uu Axmed biito ku Daabacay Baraha Ay Bulshadu Ku Kulanto Ee Uu Ku leeyahay Facebooga Ee ah www.facebook.com/ahmed.biito >>>> Waxaan halkan raali galin u ga dirayaa xoghayaha madaxwaynaha Mubaarik Ismaaciil Taani iyo Madaxwaynaha ba oo bartaydan Facbook-ga Laga Baahiyay Warbixin Been Abuura Cad Ah. Odayaasha Mujaahidiinta Waan ka Raaligalinayaa. Warbixintaasi na waxay u ga baxday bartayda Facebooga oo la jabsaday awgeed. Sabab alla sabab aan u ga been abuuro ama cadaawad intaa leeg oo naga dhaxaysaa ma jirto. Xiliga la baahiyey waan hurday mar alla markaan toosay baa teleefoon la iigu sheehay. Mar labaad iyo mar sadexaadba waan ka raali galinayaa warbixintaa BEEB ABUURKA AH.