Caalamka:-Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay cambaarayn uga timid Faransiiska

0
Wednesday June 13, 2018 - 09:48:22 in by salman abdi
  • Visits: 426
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay cambaarayn uga timid Faransiiska

    Caalamka:-Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay cambaarayn uga timid Faransiiska

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Taliyaaniga oo si kulul uga jawaabay cambaarayn uga timid Faransiiska

Raisul wasaariha dalka Taliyaaniga, Giuseppe Conte, ayaa jawaab kulul ka bixiyay eedeeyn uga timid madaxwaynaha Faransiiska Emmanuel Macron,

Macaron ayaa dhaleeceeyay taliyaaniga ka dib markii ay diideen in dalkoda uu ku soo xirto Markab siday muhaajiriin laga soo badbaadiyay badda Mediterranean-ka.

Af-hayeen u hadlay madaxwayne Macron ayaa sheegay in go'aanka Taliyaaniga uu yahay mid xushmad darro ah islamarkana qayrul masuulnimo ah.

Balse Mr Conte ayaa sheegay in Taliyaaniga uusan aqbali Karin casharo munaafuqnimo oo ka yimid dalal mar waliba door bidi jiray in ay dhabarka u jeediyaan soogalootiga.

Markabkabkani lagu magacaabo Aquarius, ayaa wali ay arrintiisu taagan tahay iyada oo ay jirto in dowladda Spain ay ogolaatay in uu ku soo xirto dekadda magaalada Valencia.

Shaqaalaha markabkani ayaa waxa ay sheegeen in markabkani uusan gali Karin saddex maalmood oo safar ah iyada oo ay dad badan saaran yihiin.