Hargeisa:-Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Shaacisay Tirada Beeraha Ku Baaba'ay Duufaantii Sagar.

0
Wednesday June 13, 2018 - 12:03:42 in by salman abdi
  • Visits: 581
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Shaacisay Tirada Beeraha Ku Baaba'ay Duufaantii Sagar.

    Hargeisa:-Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Shaacisay Tirada Beeraha Ku Baaba'ay Duufaantii Sagar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Wasaaradda Beeraha Somaliland Oo Shaacisay Tirada Beeraha Ku Baaba'ay Duufaantii Sagar.

Wasiirka wasaaradda horumarinta Beeraha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed,ayaa ka hadlay tirade beeraha ku baa ba’ay duufaantii Sagar iyo baaxadda qasaaraha ay u geysatay dhulbeereedka gobollada ay ku dhufatay. Waxaanu tilmaamay in dhibaatada duufaantaasi ay geysatay in ay tahay tii ugu qasaaraha cuslayd ee ka dhacda guud ahaan dalalka ay Soomaalidu degto ee geeska afrika. Waxaanu sheegay in 1672 beerood ay ku baa ba’een duufaantii dabaylihii iyo roobabkii xoogganaa ee ka da’ay goboladda galbeedka Somaliland kuwaasi oo loogu magac daray dufaanta Sagar,waxaanu sidaa ku sheegay wasiirku waraysi gaar ah oo uu xalay khadka taleefanka ku siiyay Wariye Saciid Cagjar oo ka tirsan wargayska Dawan.


"2730 beerood ayaan soo maray, 1672 beerood ayaa baa ba’ay oo aanay waxba ka oolin 1058 beeroodna waa beeraha ay dhibtu soo gaadhay dadkeena boqolkii shan iyo lixdan waa beeralay waayo qofku keligii ma manaafacaadsado ee beerta markay khudaartu kasoo go’do mid baa halkaa ka soo iibsanaya , midbaa soo raraya , midna suuqa ayuu gaynayaa, midna wuu ka baayac mushtareeya "ayuu yidhi wasiir Axmed Muumin Seed. Wasiirka Horumarinta Beeraha ayaa sheegay in Wasaarad ahaan ay markii ugu horraysay ka guteen wajibaadkooda saadasha hawada oo ay dadka u sheegeen in roobab dabaylo wataa kusoo wajahan yihiin isaga oo arrinta ka hadlaya waxa uu yidhi " Muddo shan cisho ka hor ah ayey Wasaaradda Beeruhu sii sheegtay in ay dalka kusoo fool leeyihiin dabaylo xooggan oo roobab Mahiigan ah wata gaar ahaan xeebaha gobolada Sanaag, Saaxil iyo Awdal waxaanan samaynay wacyi-gelin ku saabsan dabaysha iyo roobabka xoogan , taasi oo u badnaan doonta agagaarka degmada lughaya iyo xeebta gobolka Saaxil.” Axmed Muumin Seed oo safar dhulka ah kusoo maray goboladda galbeedka Somaliland si uu usoo indha indheeyo xaaladda nololeed ee beeralayda ayaa wargeyska u sheegay " 18 iyo 19 kii bisha May ayaan Wefti ahaan u baxay gobolada galbeedka gaar ahaan saddexda degmo ee lughaya , Baki iyo degmada Boorama , indhahaygu waxay qabteen dhibaato aad u weyn oo gaadhay dadka beeralayda ah dadkaas oo inta badan beerta noocyada kala duwan ee Khudaarta iyo midhaha waxaa gaadhay dhibaato aad u baaxad weyn oo loo baahan in Shacab iyo xukumadba si midaysan loo wajaho ” Wasiirka oo la waydiiyay inuu sawir ka bixiyo muqaalka ay indhihiisu qabteen intii uu ku guda jiray safarkiis xogagaal u noqoshada ah, ayaa yidhi "dhulkii beerahu waxay isku bedelleen bacaad cidlo ah oo annad marna aaminayn in goobtani ahaan jirtay beer , buur illaa buur inta u dhaxaysa intay doonaan beero haku yaallane waxaa qaaday baacad cidlo ah ” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi " Degmada lughaya waxa aan ka marayTuulkaoo runtii ah meelaha khasaaraha ugu weyni uu soo gaadhay khudaarta dalka ugu badanna kasoo go’i jirtay illaa shan boqol oo beerood ayaa halkaa ku yaalay laakiin boqol beerood dufaantu way baabisay illaa afar boqol oo beeroodna wax yar baa kasii nool , tuurka , Balliga iyo Waraabe-dareeray markii aan xilka la wareegay waa dhulkii aan soo maray iyaga oo laga ganacsanayo oo beeruhu aad u socdaan , haddana waa dhulka ugu daran ,tuurka oo kale waxa aan soo maray iyada oo khudaartu ku taal oo la ganacsanayo oo baabuurta lagu rarayo maantana waxa kasii nool tuurkii oo keliya.” Wasiirka horumarinta beeraha Somaliland ayaa sheegay in ay wadan dhiig joojinta dadka ku waxyeeloobay masiibadii dufaanta " Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweyne ku xigeenku waxa ay qaadeen talaabadii ugu horaysay oo dadkii dhintay lagu asaayey , inta noolna dhiig bixin lagu waday si loo gaadhsiiyo wax ay quutan , waxa aan talaabada ugu mahadcelinayaa waddamada gacanta ka gaystay sida dalka Jabuuti iyo dawladda imaraadka Carabta oo aad inoo caawiyey , dadkii wixii dhintay mooyee intii kale waynu badbaadinay raashin is daba haya oo xidhiidhsanna guri gurina waa loo gaadhsiiyey” ayuu yidhi Waxaanu intaa ku daray wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata. "guddi ahaan waxa aanu wadnaa sidii dadka aanu noloshooda ugu soo celin lahayn , saddex arrimood ayaa noloshooda samayn ku yeeshay midi waa Xoolaha oo runtii xoolo badan ayaa inaga baxay midna waa beeraha oo beero badan ayaa baaba’ay midna waa dhinaca deegaanka oo geedihii waaweynaa waxa baabisay dabayshii , dhirtii jirtay waxaana muuqada xaaluf ba’an oo deegaanka ka muuqda " Wasiirka oo faah faahin ka bixinaya dhibaatada beeraha ay soo gaadhsiisay duufaantii Sagar waxaa uu sheegay in agabkii iyo dhammaan kabayashii beeruhu ay burbureen "dhammaan beeraha waxa uu ka qaaday mashiinadii, ceelashii biyaha wuu aasay wixii tuunbo la odhan jiray ma jiraan kanaaladii biyaha laga cabbayey wuu baa biiyey marka waxa weeye marka la doonayo in dadka la nooleeyo ugu horrayn waa in beeralayda la gaadhsiiyo Mashiisanadii , tuumbooyinkii iyo kanaladii biyaha laga cabbayey marka hawl xaqiiqatan aad u balladhan ayaa inoo taalla oo ah in qorshe weyn laga yeesho annaga oo la kaashanayna Madaxweynaha Somaliland iyo xigeenkiisa oo aan wax awood ah hagranyn” ayuu yidhi. Wasiirka oo ka hadlayay dhibaatada ka imaan karto dadka ku barakay deegannada dufaantu ku dhufatay haddaan ayaa yidhi "dadka waa in aanu halkooda ku haynaa waayo hadday soo barakaacan magaalooyinka kuma hayn karo imika goobta Tuurka la yidhaahdo oo kale waxaan tegay intii aanu dufaanku ka dhicin odayaal saddex boqol dhaafaya ayaa isoo hor fadhiistayi iyaga oo aad uga shaqaynaya wax soo saarka dallagyada beeraha gaar ahaan khudaarta meesha hawsha ka socotay maad malayn karayn maantana tuurka yar ee lagu magac daray unbaa ka nool.” Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo wax laga waydiiyay halkay ku dambaysey saacado qodaalkii beeraha ee wasaaradda uu hormoodka ka yahay ay bilowday, ayaa kaga jawaabay "Saacadaha qodaalku waxa ay ahayeen todoba iyo labatan kun oo sacadood waxaanay u socdaan sidoodii wejigii ugu dambeeyey ee dhaqaalaha xalay iyo habeen hore ayaanu dhammaystirnay dhammaanna dadka qodaalku waa uu wada gaadhay oo arrinta sagaalka kun ee qoys waxba nooma dhinna , saddex goobood oo miisaaniyada noogu jiray ee kala ahaa Beer , Wajaale iyo Xaaxi ayaa aanu iyana wadnaa , Wajaale waxay ahayd inaan beerno kun higtar hadda waxa annu beernay todoba boqol oo higtar oo si wanaagsan u socda shalay iyo doraad roobku wuu helay halkaa waxa inagoo soo socda raashin runtii aan odhan karo wax badan ayey innaga dabooli karaan, Xaaxi qorshaheeda waan ku jirnaa oo waanu tegaynaa iyada iyo Beer oo ku xigtaba " Wasiir Seed ayaa sheegay in Xukumad ahaan ay wadaan dhiig joojinta dadkii ku waxyeeloobay dhibaatadii dufaanka Sagar "Waxaanu wadnaa dhiig joojin ay nagu hoggaaminayaan madaxweynaha iyo ku xigeenku waxaanay u socotaa si habsami leh oo wanaagsan wixii aanu qaybinay waanu qabanay maalinba raashin wuu yimaada waanan qaybinaynaa wixii yimaada waa la qaybinayaa iyada oo la gaadhsiinayo meel walba iyo guri walba”

Wasiirka Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland oo ka mid ah guddiga loo xilsaaray dhibaatadii ka dhalatay dufaatii ayaa sheegay in guddi ahaan aanay weli soo gaadhin lacagtii halka melyan ahayd ee dawladda Somaliland ugu deeqday dadka masiibadu ka soo gaadhay dufaantii Sagar. Ugu danbayn Waxa uu Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland shacabka ugu baaqay in ay beeraha qotaan oo ay dhulkooda aaminaan si ay ugu maarmaan cuntada ka timaada waddamada shisheeyey, waxaana uu xussay in Somaliland shacab iyo xukumad ay muhiin tahay in ay quutan cuntada waddaniga ee kasoo go’da dallayga beeraha dalka.