Wasiiru-dawlaha Maaliyada Somaliland, oo dhalinyarada ka waaniyey Cabista Sigaarka iyo Cunista Qaadka oo Noloshiisa Halis Gelisay

0
Tuesday August 26, 2014 - 07:48:59 in by salman abdi
  • Visits: 1147
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiiru-dawlaha Maaliyada Somaliland, oo dhalinyarada ka waaniyey Cabista Sigaarka iyo Cunista Qaadka oo Noloshiisa Halis Gelisay

    Wasiirka oo Qalliin Culus Lagaga Sameeyay Wadnaha iyo Saablayda ayaa Ku Sababeeyay Cabista Sigaarka Iyo Cunista Qaadka,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka oo Qalliin Culus Lagaga Sameeyay Wadnaha iyo Saablayda ayaa Ku Sababeeyay Cabista Sigaarka Iyo Cunista Qaadka,

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda Somaliland, Cismaan Cabdilaahi Saxardiid (Caddaani), oo ka soo baxay Cisbitaal dalka Maraykanka ah, ka dib markii lagu sameeyay qalliin adag oo lagaga sameeyey Saablayda, ayaa ka waramay xaaladdiisa caafimaad ee xilligan.

 

 


Wasiir Caddaani oo doraad ay Madaarka diyaaradaha ee Hargeysa ku soo dhaweeyeen Xubnaha ugu miisaanka culus Golaha Wasiirrada, oo ay horkacayaan Wasiirrada Maaliyadda, Madaxtooyada, Duulista Hawada, ku-xigeeno, Madaxdhaqameedyo, xildhibaano, Waxgarad iyo Masuuliyiin kale oo laamaha dawladda ka tirsan ayaa Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada Hargeysa ku soo dhaweeyey Wasiirka, kuwaasoo sheegay inay farxad weyn oo Alle loogu mahad naqo ay tahay in Wasiir Caddaani uu isaga oo caafimaad qaba dib ugu soo laabto dalka.

Wasiir u Dawle, Cismaan Saxardiid oo markaasi ka dib, la hadlay Warbaahinta ayaa ugu horayn mahad naq u jeediyay dhammaan dadkii u soo duceeyay intii uu Cisbitaalka ku jiray, oo ay ugu horeeyaan Madaxwenaha iyo marwada koowaad ee Qaranku, isagoo dhinaca kalena talooyin u soo jeediyay Shacbiga Somaliland, siiba dhalinyarada.

Caddani, oo arrimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi "Wasiiradii, Xildhibaanadii, Madaxdhaqameedkii, qurbo-joogii iyo dhammaan dadkii kale ee ila soo hadlayay ee ii soo duceeyay ayaan u mahad naqayaa. Waxaan u mahad-naqayaa Madaxwaynaha Somaliland, oo in badan ila soo hadlay (Intaan Cisbitaalka ku jiray), ducada uu ii soo duceeyay waxaan qabaa inay tahay Karaamada ummada oo dhan ee hayo iyo Marwada koowaad ee Qaranka Somaliland, aad-baan labadoodaba ugu mahad-naqayaa”

Wasiiru-dawlaha Maaliyadda Somaliland, waxa uu intaasi ka dib, ka sheekeeyay sidii loo qalay iyo dareenkii uu qabay wakhtigii la guda galayey qallinka lagu sameeyay "Maalintii la I qalayey, waxa ii yimid saddex Dhakhtar, waxay igu yidhaahdeen afar xidid ayaanu ku samaynaynaa (furitaan), waa qalliinada ugu adag ee qof bani-aadam ah lagu sameeyo, marka Laabta lagaa qalayo, waxay yidhaahdeen (dhakhaatiirtu) waxaanu doonaynaa inaad warqaddan saxeexdo, inaad ka kacdaa waa 50%, in aanad ka kicinna waa 50%. Intii aanan saxeexin waxa niyadda ku soo dhacay qoyskayga, Qaranka Jamhuuriyada Somalland, gaar ahaan waddada Ceerigaabo, dabadeedna waan ducaystay, qarankana waan u daceeyay iyo dadkiisa, ILAAHAYNA waan talo saartay, waayo isagaa wax walba awooda, waxaanan idhi hadday maanta taada noqoto inta iga dambaysa ILAAHOW is fahamsii..”ayuu yidhi.

Cismaan Saxardiid ayaa talooyin u jeedinayay Dhalinyarada caadaystay cunista ama isticmaalka Balwadaha kala duwan ee nafta u daran, waxaanu tusaale ku bixiyay naftiisa dhibaatooyinka ay u geysteen balwadahaasi "Anigu qalliinka aan galay anigaa isu geystay oo Sigaar cabbayey, anigaa qayilayey oo aan naftayda dhowrayn” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "Waxaan la hadlayaa dhalinyarada reer Somaliland, waxaan leeyahay ka sigaarka Cabbow jooji, qaadna ha cunin, qaranka Jamhuuriyadda Somaliland qiimo ayaad ugu fadhidaa, dhalinyaradda Somaliland ee soo koraysa waxaan leeyahay inanka Qaranka Somaliland u soo korayoow ha isku cunin qaad iyo sigaar aniga waxa sidaa ii galay waa labadaase..oo ha laga fikiro sidii aad qarankan u daryeeli lahayn..”

Ugu dambeyntii waxa uu talooyin guud u soo jeediyay Shacbiga Somaliland, isagoo ugu baaqay inay muujiyaan midnimo iyo isku duubni ay Bulshada caalamku u aqoonsato

Saxar-diid ayaa iftiimiyay in Qaranka Somaliland isku duubnidiisu indhaha caalamka soo jiidanayso "dalkani hadduu gobol yahay, hadduu degmo yahay iyo hadduu dalkiisa yahay Nin qayb qaybiya ka foojignaada oo iska ilaaliya, waxay Somaliland wax ku noqonaysaa adduun weynuhana idinku aqoonsanayaa waa haddaad isku duubnaataan. Waxa loo baahan yahay dadka reer Somalilandka Gobolka Sool jooga, ka Laasqoray jooga ilaa ka Lowyo caddo jooga, yaan loo kala saarin qabiil qabiil ee ay noqdaan umad reer Somaliland ah oo meel ku wada dhimanaysa, meel ku soo wada dhimatay, oo isku mid ah”ayuu yidhi. Isaga oo intaasi raaciyey inuu muddo lix bilood ah nasasho ku jiri doono. 



Contact@afkashacabka.com