Maayarka Djibouti oo is Barbar Dhig ku sameeyey Caasimadaha Djibouti iyo Somaliland

0
Tuesday August 26, 2014 - 09:10:23 in by salman abdi
  • Visits: 1073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Djibouti oo is Barbar Dhig ku sameeyey Caasimadaha Djibouti iyo Somaliland

    Maayarka Magaalada Jabuuti, Xuseen Cabdillaahi Qayaad oo booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay iska matalaan ama ay iskaga midka yihiin Hargeysa iyo Jabuuti.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maayarka Magaalada Jabuuti, Xuseen Cabdillaahi Qayaad oo booqasho ku jooga Magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay waxyaabaha ay iska matalaan ama ay iskaga midka yihiin Hargeysa iyo Jabuuti.


Maayarka oo ka qayb-galay Carwo sanad leh oo maalintii 3-aad ka socota Hargeysa, ayaa idaacadda BBC-da u sheegay in la mataaneynayo Hargeysa iyo Jabuuti, isla-markaana ay iska kaashanayaan waxyaabaha ay ka mid yihiin nidaaminta qashinka iyo weliba kor u qaaddida adeegyada Bulshada.


Maayar Qayaad, oo ka hadlaya waxyaabaha ay Golaha deegaanka Hargeysa ka taageerayaan ayaa yidhi "Waxay doonayaan (Golaha deegaanka Hargeysa) inay ka faa’ideystaan nidaamka aanu qashinka Jabuuti u hagaajino, markaa waxaanu u soo gudbin doonaan dhukumantigaasi, Maayarka ayaana naga guddoomi doona, inkasta oo mushaakilaadka ay Hargeysa iyo Jabuuti haysta ay badan yihiin”

Maayarka Jabuuti oo la waydiiyey waxyaabaha ay iskaga midka yihiin Hargeysa iyo Jabuuti, ayaa ku jawaabay "Waxay Hargeysa iyo Jabuuti iskaga mid Qashinka iyo xoolaha Magaalada dhex wareega” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray "iyadoo ay caasimadda ka mabnuuc tahay in xoolo ay dhex wareegaan, laakiin dadkeena oo asal ahaan xoolo dhaqato ahaa ayaa xoolihii la soo galey Magaalooyinkii…” 




Contact@afkashacabka.com