Taliban oo diiday in ay kordhiso xabbad joojinta

0
Monday June 18, 2018 - 10:58:16 in by salman abdi
  • Visits: 384
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliban oo diiday in ay kordhiso xabbad joojinta

    Taliban oo diiday in ay kordhiso xabbad joojinta

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliban oo diiday in ay kordhiso xabbad joojinta
Ciidammada Dawladda iyo kuwa Taliban oo isa salaamaya

Xabbad joojin saddex maalmood socotay oo aad loogu riyaaqay una dhaxaysay laamaha ammaanka ee Afghanistan iyo Talibanka dalkaas ayaa u muuqata in ay dhammaatay.

Taliban ayaa sheegtay in ay ammartay in malayshiyadoodu ay hubka qaataan Axadda maadaama oo ay dhammaatay damaashaadkii ciidda.

Dawladda ayaase sheegtay in ay iskeed usii wadi doonto xabbadjoojinta toban maalmood oo kale ah, inkastoo laamaha ammaanka ay is difaaci karaan haddii la soo weeraro.

Waxaa soo baxay muuqaalo aan la filaynin oo muujinaya ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo isa salaamaya xabadkana xabadka isu saaraya intii lagu gudo jiray xabbad joojinta.

Laakiin xabbad joojinta ayaa ku guuldarraysatay in collaadda oo dhan hakiso.

Ugu yaraan 18 ruux ayaa lagu dilay weerar is qarxin ah oo ka dhacay magaalada Jalalabad, tobannaan ruux oo kale ayaana ku dhaawacmay.

Ciidammada dawladda iyo askarta Taliban oo sawir isla galayaLahaanshaha sawirkaREUTERS
Image captionCiidammada dawladda iyo askarta Taliban oo sawir isla galaya

Bannaanka xafiiska gafarnatooraha gobolka Nangarhar ayuu qaraxaasi ka dhacay iyadoo masuuliyiin dawladda ah ay kulan la lahaayeen xubno ururka Taliban ka tirsan.

Ma jiro cid sheegatay masuuliyadda weerarkaas.

Sabtidiina weerar is qarxin ah oo ka dhacay isla gobolkaas ayaa lagu bartilmaameedsaday goob ay isugu yimaadeen Taliban iyo masuuliyiinta dawladda ee deegaankaas waxaana ku dhintay 36 ruux