Ciidanka Kenya Oo Maanta Toogasho Ku Dilay Wil Somaliyeed

0
Tuesday August 26, 2014 - 22:18:43 in by salman abdi
  • Visits: 653
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidanka Kenya Oo Maanta Toogasho Ku Dilay Wil Somaliyeed

    Wargeyska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa maanta oo salaasaddii ah qoray in booliska Kenya ay toogteyn nin Soomaali ah oo ku hubeysnaa qori AK47.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wargeyska Daily Nation ee Kenya ka soo baxa ayaa maanta oo salaasaddii ah qoray in booliska Kenya ay toogteyn nin Soomaali ah oo ku hubeysnaa qori AK47.

Sarkaal u hadlay magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari Kenya ayaa sheegay ninka la toogtay in uu ahaa qof rabay in wax yeelo ku geysto qoriga uu watay maadama goobta ay jirtay dagaal u dhexeysa maleeshiyaad Soomaali ah.

Waxaa kaloo wargeyska uu sheegay in goobta lagu toogtay ninka Soomaaliga lagu xiray sideed kale oo ka tirsanaa kooxda hubeysan.

Arrintan ayaa ku soo aaday iyadoo dagaallo u dhexeeya maleeshiyaad Soomaali ah uu ka socdo degmada Mandheera ee gobalka Waqooyi bari dalka Kenya.

Ma ahan markii ugu horreysay oo booliska Kenya ay toogtaan qof Soomaali ah tan iyo markii ciidanka Kenya ay galeyn gudaha Soomaaliya seddax sanno ka hor.

Ugu yaraan 16 qof ayaa ku dhintay dagaalka ka socda magaalada Mandheera ee gobalka waqooyi bari dalka Kenya.


Contact@afkashacabka.com