Suldaan Maxamed Sul C/qaadir Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Maayarka Sallaxlay Oo Ku Eedeeyay In Suldaanku Uu Sallaxlay Raacinayo Gobalka HAWD
"Xeerkii Gobolada iyo degmooyinka weli lama samaynin, waxaanay arrintaasi u taala Golaha sharci dejinta Somaliland, wax Suldaan Maxamed Sameeyana maaha ee sidaas ha loo ogaado.
Suldaanka guud ee
Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku tilmaamay
war been abuura oo aan sal iyo raadtoona lahayn Suldaanka guud ee
Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa waxa uu
yidhi"Anigu Golihii Xeer-dejinta mayhi, Wasiirkii arrimaha gudahana ma
hi,Sallaxlay haddii ay doonayso iyo haddii ay diideyso meel aan u soo
maro inaan idhaahdo Bali-gubadle raaca ma jirto.Laakin waddanka xeerka u
yaala ayaa loo baahan yahay inay cid-weliba inay sharciga hoos timaado”
Sidoo kale, mar uu Suldaan Maxamed la hadlayay Golaha Deegaanka Sallaxlay,ayaa waxa uu yidhi"Golaha deegaanka Sallaxlayna waxaan u sheegayaa arrintaas been abuurka,ee la leeyahay Suldaan Maxamed dhulkii ay Sallaxlay xukumaysay ayuu raacinayaa Gobolka HAWD.Xildhibaanada (Sallaxlay) waxaan leeyahay been ayaa la idiin sheegayaa, ee ha qaadanina”.
"Xeerkii
Gobolada iyo degmooyinka weli lama samaynin, waxaanay arrintaasi u
taala Golaha sharci dejinta Somaliland, wax Suldaan Maxamed Sameeyana
maaha ee sidaas ha loo ogaado. Waxa umadda fikirkaa khaldan loo
gelinayaa waxa weeyaa, Xildhibaanada Golaha Deegaanku waxay dareemeen
inay iska bedelaan Maayarka,taas ayaana waxan oo been ah uu Maayarku ku
sameynayaa.Odayaasha magaalada Hargeysa joogana wuu soo maray oo waxa uu
yidhi Suldaan Maxamed ha layga qabto, waxa lagu yidhi maxaa Suldaanka
lagaaga
Suldaanka guud ee beelaha somaliland
suldaan maxamed suldaan cabdiqaadir ayaa iska fogeeyay eedayn maayarka
salaxlay u jeediyay suldaanka guud ee beelaha somaliland oo maanta
warbaahinta kula hadlay hargeysa ayaa sheegay inuu ka xunyahay in
maayarka salaxlay uu ka soo yeedho hadal odhanaya suldaanka ayaa Gobolka
hawd ku daraya Salaxlay isagoo suldaanku sheegay inaanau isagu ahayn
wasaaradii daakhiliga iyo sharci dajintii midnawaxaan doonayaa inaan ka
hadlo arin ka soo yeedhay maayarka salaxlay oo uu leeyahay suldaan
maxamed-baa salaxlay ku daraya Gobolka hawd waxaan leeyahay
Anigu Ma Ihi sharci dajintii dalka, mana
ihi wasaaradii arimaha gudaha, mana ihi golihii deegaankee salaxlay
waxaan ahay suldaan dhaqameed arinkaasina mid aniga ii yaala maaha ee
waa mid u yaala sharci dajinta iyo wasaaraddaha ay khusayso, anigu bari
horaan arinkaas soo jeediyay waana la iga diiday mana jirto cid aan
arinkaas ku khasbayaa laakiin in maayarku arinkaas igu eedeeyomay ahayn
isagoo qiiqa isku qarinaya oo ku fashilmay shaqadii loo igmaday
anigoo salaxlay caano u doontay ayuu
maayarku "Shiine” ii yimi isagoo markaas igu yidhi suldaan meeshii waan
ku fashilmay mana sii wadi karo markaa waxaan doonayaa in meeshii la
igala wareego oo aan inanta "Kawsar awcali aw jaamac ku wareejiyo loona
doorto maayar”
sidii loo doortay golaha deegaanka
salaxlay ma jirto wax mushahar ah oo ay qaateen golaha deegaanku,
degmadda cashuur badanbaa ka soo xaroota oo toon oo kale maalinkasta
waxa ka soo xaraado intaasoo milyan hadana xildhibaanadu ma qaataan wax
mushahar ah markaa waxaan odhan lahaa golaha deegaanka salaxlay waa inay
iyagu doortaan cidkastoo wax u qabanaysa laakiin ma jirto wax aan anigu
u soo galo arimahaas
mar suldaanka la waydiiyay waxa keenay in maayarku arimahan ku eedeeyo ayaa wuxuu ku jawaabay
adeer wuxuu igu haystaa maxaad salaxlay
ka soo doontay anigu salaxlay waan tagayaa waxaana degan dadkaan
suldaanka u ahaa ee maayarku waxay ahayd inuu qabto shaqada loo igmaday
balse hadii uu qaban kari waayay may ahayn inuu aniga igu soo jeesto
Si kastaba ha ahaatee maayarka salaxlay
oo baryahan la ciirciirayay fashil siyaasadeed ee la soo darsay ayaa
suuqa u galay suldaanka guud ee beelaha somaliland si uu majaro
habaabiyo kalfadhi golaha deegaanka Salaxlay doonayaan inay xilka
maayarnimo kaga xayuubiyaan.
Suldaan Maxamed Sul C/qaadir Oo Si Kulul Ugu Jawaabay Maayarka Sallaxlay Oo Ku Eedeeyay In Suldaanku Uu Sallaxlay Raacinayo Gobalka HAWD
"Xeerkii Gobolada iyo degmooyinka weli lama samaynin, waxaanay arrintaasi u taala Golaha sharci dejinta Somaliland, wax Suldaan Maxamed Sameeyana maaha ee sidaas ha loo ogaado.