South Sudan oo lagu wadahadalsiinayo dalka Itoobiya

0
Friday June 22, 2018 - 09:31:31 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    South Sudan oo lagu wadahadalsiinayo dalka Itoobiya

    South Sudan oo lagu wadahadalsiinayo dalka Itoobiya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

South Sudan oo lagu wadahadalsiinayo dalka Itoobiya
South Sudan mudo afar sano ayay colaad ka socotay
Image captionSouth Sudan mudo afar sano ayay colaad ka socotay

Dalka Itoobiya waxaa ka bilowday wadahadalo nabadeed oo laga dhexsamaynayo xukuumadda South Sudan iyo kooxaha ay iska soo horjeedaan

Wadahadaladan ayaa ah iskudaygii ugu dambeeyey ee lagu doonayo in xal loogu hello colaada dalkaasi ka taagan afarta sano ee la soo dhaafay

Dagaaladan ayaa dalkaasi ka socday mudo afar sano ah waxaana ku dhamaaday kumanaan shacab ah oo dirirtu ay saamaysay

Waxaa jira dulqaad la'aan ay beesha caalamku ka muujinayso heshiisyada dalkaasi South Sudan oo dhowr jeer burburay.

Maadaama ay dhowr jeer burbureen heshiis ay gaareen dhinacyada iskuhaya colaada dalkaasi waxaa hadda la isku dayayaa in xal muuqda la gaaro.

Isbuucii la soo dhaafay dowladda Maraykankan ayaa cunaqabatayn xaga hubka ah ku soo rogtay dalkaasi South Sudan.

Midowga Afrikana waxuu ku baaqay in cunaqabatayn la saaro kooxaga sii hurinaya colaada dalkaasi.

Kumanaan qof ayaa dagaalka sokeeye ee South Sudan ku dhamaaday waxaana barakacay kumanaan kale.

Xabad joojintii u dambaysay waxay dhacday bishii December ee sanadkii la soo dhaafay balse saacado ka dib ayay burburtay