Xaaska Trump oo lagu dhaliilay jaakad ay xiratay

0
Friday June 22, 2018 - 09:49:49 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xaaska Trump oo lagu dhaliilay jaakad ay xiratay

    Xaaska Trump oo lagu dhaliilay jaakad ay xiratay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xaaska Trump oo lagu dhaliilay jaakad ay xiratay
Melania TrumpLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMelania Trump oo jaakad qabta diyaaradna u sii raacaysa Texas

Marwada koobaad ee Maraykanka Melania Trump ayaa lagu dhaliilay jaakad ay u xiratay safar ay ku tagtay meel carruurta muhaajiriinta lagu hayo oo ku taalla Texas.

Melania ayaa la arkay iyadoo xiran jaakad ay ku qoran tahay "dan iyo muraad kama lihi ee adiguna"?, iyada oo markaas sii fuulaysa diyaarad.

Afhayeen u hadashay ayaa sheegtay in aysan "duur xul ahayn" dookha jaakadda ay dooratay Melania.

Jaakadda Zara oo 39 doolar la siiyo ayaa caro ka dhaliyay baraha ay bulshadu ku xiriiraan.

Madaxweyne Donald Trump ayaa markii dambe Twitter-ka soo dhigay in jaakadda xaaskiisa "loola jeedo warbaahinta beenta ah".

Dadka baraha bulshada isticmaala ayaa isla markiiba dhaliilay fariinta aan qarsoonayn ee xaaska madaxweynaha.

Qofkan ayaana Twitterka ku soo qoray in marwadu ay ula kac u soo xiratay iyadoo heli kartay in ay xirato jaakado ka qaalisan.

Melania Trump ma aysan qabin jaakaddaas marka ay diyaaradda ka dagaysayLahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionMelania Trump ma aysan qabin jaakaddaas marka ay diyaaradda ka dagaysay