Turkiga Oo Qaaday Talaabo Uu Kaga Aarsanayo Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Wadda Qorsha Ka Dhana Trump

0
Saturday June 23, 2018 - 11:04:33 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Turkiga Oo Qaaday Talaabo Uu Kaga Aarsanayo Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Wadda Qorsha Ka Dhana Trump

    Turkiga Oo Qaaday Talaabo Uu Kaga Aarsanayo Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Wadda Qorsha Ka Dhana Trump

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Turkiga Oo Qaaday Talaabo Uu Kaga Aarsanayo Maraykanka Iyo Midawga Yurub Oo Wadda Qorsha Ka Dhana Trump

Dawlada Dalka Turkiga ayaa sheegtay in canshuur dhan 1.8 bilyan oo dollar ay saari doonto badeecadaha lagu soo sameeyo Mareykanka, iyada oo ka aargudaneysa canshuur madaxweyne Trump uu saaray biraha iyo alumuuniyaamta dalkaas.

Ururka ganacsiga adduunka ee WTO ayaa sheegay in canshuuraha cusub ay 266.5 milyan oo dollar kasoo xareyn doonaan alaabo ay ka mid yihiin baabuurta, dhuxusha, waraaqaha, bariiska iyo tubakaada.

Wasiirka dhaqaalaha Turkiga Nihat Zeybekci ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in Turkiga aanu  ogolaan doonin in "si qaldan loogu eedeeyo caqabadaha dhaqaale ee Mareykanka.”

"Anaga waxaan qeyb ka nahay xalka ee kama mid nihin dhibaatada” ayuu yidhi wasiir Nihat.

 

Maalmo ka horna Midowga Yurub ayaa ku dhawaaqay inuu diyaariyey liiska badeecadaha Mareykanka ah oo ay billaabi doonaan inay ku soo rogaan canshuur 25% ah marka dalalka ururkaas ay yimaadaan.

Tallaabadan ayaa horseedi karta dagaal ganacsi oo buuxa, hadii Trump uu ka dhabeeyo hanjabaadiisa ah inuu canshuur dheeri ah saarayo baabuurta Yurub.