Madaxweyne Siilanyo iyo Mr. Julian Miller oo ah ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dalka Ingiriiska oo Markii u horey Bookhday Xarumaha Ciidamada RRU

0
Wednesday August 27, 2014 - 17:43:49 in by Super Admin
  • Visits: 936
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Siilanyo iyo Mr. Julian Miller oo ah ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka ee Dalka Ingiriiska oo Markii u horey Bookhday Xarumaha Ciidamada RRU

    Madaxweynaha Qaranka Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu Waheliyo ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Qaranka Jamuuriyada Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo uu Waheliyo ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller Oo Maalintii Shalay Ahayd Bookhasho Kadis Ahayd Kuyimid Dalka ayaa Saaka Booqday Xarunta Ciidanka RRU-da ee Magaalada Hargeysa oo Dawlada ingiriisku ay Maamulkeeda iyo hanaankeeda dhaq dhaqaaq ay gacanta kuhayso. Madaxweyne qaranka Axmed Siilaanyo iyo Mr. Julian Miller ayaa u kurgalayey Xaalada Guud ee ay ku sugan yihiin Ciidanka RRU-da ooo Dawlada Ingiriisku Tababar iyo Qalab ahaanba ay hoostagan looguna tallo galay la Dagaalanka Argagixisada iyo kooxaha xag jirka ah Sido kale Waxa ay indho indheeyen Dhismaha Wey nee ciidankaasi dawlada ingiirsku u dhistay oo ah mid casri ah, dhanka kale waxay Madaxweynaha iyo ku-xigeenka La-taliyaha Amniga Qaranka (Deputy National Security Adviser) ee waddanka Ingiriiska Mr. Julian Miller ayaa Saka Kulan dheer oo sacado qaatay ku yeeshen Qasriga madaxtooyada Somaliland, illaa hadana lama oga waxyaabaha ay ka wadda hadleen labadan masuul. Balse Socdaalkan Kadiska ah Oo Uu Markii Hore Masuulkani Kusoo Maray magaalada muqdisho ee caasimada wadanka somalilaya kuna hoyday habeenkii xalay ahaa magaalada hargeysa ayaa muujinaya xidhiidhka qotodada dheer ee kadhexeya labada dowladood.

Contact@afkashacabka.com