Maxaad Ka Ogtahay Shuruudda Ay Chelsea Ku Ogolaaneyso In Willian Ay Xagaagan Ka Iibiso Manchester United?

0
Wednesday July 04, 2018 - 13:03:35 in by salman abdi
  • Visits: 946
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaad Ka Ogtahay Shuruudda Ay Chelsea Ku Ogolaaneyso In Willian Ay Xagaagan Ka Iibiso Manchester United?

    Maxaad Ka Ogtahay Shuruudda Ay Chelsea Ku Ogolaaneyso In Willian Ay Xagaagan Ka Iibiso Manchester United?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaad Ka Ogtahay Shuruudda Ay Chelsea Ku Ogolaaneyso In Willian Ay Xagaagan Ka Iibiso Manchester United?
Chelsea waxa ay Willian u ogolaan doontaa in uu ku biiro Manchester United haddii ay heleyso Martial.

Jose Mourinho waxa uu isha ku hayey in uu keeno Willian xagaagii la soo dhaafay.


Hase ahaatee, weeraryahanka waxa ay isku dheceen Antonio Conte oo uu xataa ka reebay sawirkii dabaaldagga ee uu soo dhigay Instagram-la guushii fiinaalaha FA Cup –ka kaddib.

Chelsea waxa ay ka iibineysaa Barcelona halkii ay isku xoojin lahayd koox ay is xifaaliyaan laakiin waxa ay dhigtay shardi.

Sida laga soo xiganayo the Telegraph, Chelsea keliya waxa ay Willian Old Trafford u ogolaan doontaa haddii ay helayaan badalkiisa Martial.

Laacibka reer France waxa uu muujiyey in uu ka tagayo Manchester United kaddib markii ay isku dheceen Mourinho xilli ciyaareedkii hore dhammaadkiisii.


Manchester United waxa ay tababarka ku soo laabanayaan dhammaadka toddobaadkan waxaana la filayaa in Martial soo xaadiro.

Anthony Martial oo Old Trafford uga yimi AS Monoco 2015, waxaa iminka qandaraaskiisa uga harsan 12 bilood.