Jabouti:-Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay +U Jeedka Safarkiisa.

0
Thursday July 05, 2018 - 19:50:37 in by salman abdi
  • Visits: 511
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jabouti:-Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay +U Jeedka Safarkiisa.

    Jabouti:-Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay +U Jeedka Safarkiisa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Jabouti:-Madaxweyne Farmaajo Oo Gaadhay Dalka Jabuuti Si Diiran Loogu Soo Dhaweeyay +U Jeedka Safarkiisa. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed

Cabdullaahi Farmaajo ayaa gaaray magaalada Jabuuti halkaas oo uu ka furmay Shirka Madasha iskaashiga Afrika iyo Shiinaha.

Image may contain: 1 person, standing


 

 

Madaxweynaha iyo wafdigiisa waxaa Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyay Ra'iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Cabdiqaadir Kaamil Maxamed iyo Diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Image may contain: 4 people, people standing and suit


Shirkan oo soconaya inta u dhaxaysa 5-7 bishan Luuliyo ayaa looga wada xaajoonaya hirgelinta ganacsiga xorta ah ee Qaaradda Afrika, xoojinta maalgashiga, kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo xaqiijinta hiigsiga horumarineed ee 2030-ka ee ajendaha caalamiga ah.

Image may contain: 4 people, people standing and suit


Dhanka kale, Madaxweyne Farmaajo ayaa ka qayb galay saaka furitaanka Aaga Caalamiga ah ee Ganacsiga Xorta ah ee Jabuuti iyada oo ay munaasabaddaasi goobjoog ka ahaayeen Madaxweynaha martida loo yahay Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Madaxweynaha Rwanda, Madaxweynaha Suudaan, Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika.

Image may contain: 1 person, table and indoor

Image may contain: 5 people, people sitting and indoor


Madaxweynaha oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in furitaanka Aagan ka Caagan Canshuuraha ee Jabuuti ay ka turjumeyso in dalkan uu u diyaar garoobay tartanka ka socda caalamka ee lagu xoojinayo kobcinta iyo isdhex galka dhaqaalaha adduunka iyo kan gobolka.

Image may contain: 3 people, people sitting, suit and indoor


Safarka Madaxweynaha waxaa ku wehliya Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Axmed Ciise Cawad, Wasiirka Maaliyadda Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshahada Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga Mudane Maxamed Cali Xagaa iyo La Taliyaha Arrimaha Dibadda ee Madaxweynaha Mudane Balal Cusmaan.

Image may contain: 2 people

Image may contain: 3 people, people standing, suit and outdoor

Image may contain: 6 people, people smiling, people standing

Image may contain: one or more people

Image may contain: one or more people, people standing and suit

Image may contain: 8 people, people smiling