Maayarka Caasimadda Hargaysa Oo Hadhimo Sharafeed Farxad Galisay U Sameeyay Saladiinta Gobolada Awdal Iyo Salal.+Sawiro

0
Thursday August 28, 2014 - 21:42:49 in by salman abdi
  • Visits: 935
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maayarka Caasimadda Hargaysa Oo Hadhimo Sharafeed Farxad Galisay U Sameeyay Saladiinta Gobolada Awdal Iyo Salal.+Sawiro

    aladiinta Gobolada Awdal iyo Salal oo booqasho ku jooga Caasimadda Hargaysa.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

aladiinta Gobolada Awdal iyo Salal oo booqasho ku jooga Caasimadda Hargaysa.


Maayarka Caasimada Hargaysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) ayaa hadhimo sharafeed ballaadhan u sameeyay, Saladiinta Gobolada Awdal iyo Salal oo booqasho ku jooga Caasimadda Hargaysa. Hadhimo sharafeedkan oo ka qabsoontay Huteelka Maansoor, waxaa ka soo qaybgalay Maayarada Magalooyinka Berbera, Boorame iyo Laascanood. Sidoo kale waxaa ka soo qaybgalay Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir.

Saladiinta Gobolada Awdal iyo Salal oo iyagu u dhammaa casuumadan loo sameeyay, ayaa ka dareen celiyay martiqaadka,  Suldaan Saleebaan  Cali Ismaciil,  oo ka hadlay munaasibadaas, ayaa si weyn ugu mahad celiyay Maayarka Caasimadda Hargaysa wuxuuna sheegay in Casuumadan  ula midtahay dhammaan dadka rer Hargaysa oo casuumar. Suldaan Cabdiraxmaan Dhawal oo kamid ah Saladiinta Gobolka Awdal oo isna halkaas ka hadlay, ayaa tilmaamay muhiimada ay leedahay iska warhayntu maadama dadka rer Somaliland isku dan yihiin.  Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo isna hadal ka soo jeediyay goobtii ayaa sheegay doorka dhalinyaradii la doortay looga fadhiyo, wuxuuna bulshada u soo jeediyay inay la shaqeeyaan.

Suldaanka Beelaha Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo isna soo xidhay hadalka Madax dhaqameedka, ayaa soo dhaweeyay Saladiinta Gobolada Awdal iyo Salal. Wuxuuna sheegay in shacabka Somaliland waajib ku tahay sidii ay ugu midoobi lahayeen iskaashi, isagoo geesta kalena dar-daaran u soo jeediyay dadka kuna booriyay inay ka qayb qaataan nadiifinta magaalooyinka iyo guryahooda. Gebo gebadii Maayarka Caasimada Hargaya Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo soo gunaanaday munaasibadaas, ayaa Saladiinta ku soo dhaweeyay Caasimadda, sidoo kale wuxuu  ku waaniyay Madax dhaqameedku inay u midoobaan qaranimada Somaliland. 



Contact@afkashacabka.com